Boqorkii Sucuudiga Oo La Aasay Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi Iyo Hambalyo Diray

0
556

222Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay wadanka Sucuudiga lagu aasay boqorkii wadanka Sucuudiga Boqor Cabdallah Bin Cabdulcasiis oo habeen hore ku geeriyooday cisbitaal ku yaala wadankaas.

Boqorka geeriyooday ayay da’diisu ahayd 90 jir, waxaana boqortinimada isla shalay loo caleemo saaray walaalkii Salman Bin Cabdicasiis oo isna 80 jir ah. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tacsi u diray wadanka Sucuudiga, isagoo sidoo kalena hambalyo u diray boqorka cusub. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan shacbiga somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Boqortooyada Sucuudi Arabiya, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis Aala sucuud oo 23.01.2015 ku geeriyooday dalkaasi, sucuudiga. Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo boqortooyada sucuudi arabiyana samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka. sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Hambalyo u dirayaa boqorka cusub ee la wareegay boqortimimada, sucuudi arabiya, Amiir Salman Bin Cabdicasiis, oo dhaxal suge u ahaa boqorka geeriyooday. Waxaanu madaxweynuhu alle uga baryayaa inuu xilka u fudaydiyo Amiirka, kana dhigo mid dalkiisa ku hogaamiya isku duubni iyo wada shaqayn waarta.” Sidaas ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul.