Gabadh Talefankeedii Gacanta (Mobile) Liqday Si Ay Uga Qariso Saygeeda Oo Khiyaamo Ku Qabtay

0
556

Picture2Brasilia (Geeska)- Gabadh dhalinyaro ah oo u dhalatay dalka Brazil ayaa isku dayday in si kasta oo ay suurtogal ugu noqotaba ay nin ay u doonanayd ka qariso in uu fahmo khiyaamo ay ku kici jirtay muddadii ay isku cindanaayeen oo dhan. Ninkan oo gabadha muddo ka shakisnaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah dareemay in hortii ay cid talefanka kala xidhiidhay, kadib isaga oo hinaasi is madax marsan ayaa uu ka dalbaday in ay talefanka u dhiibto, markii ay cabbaar cudur daarro aan macno badan lahayn kaga hor joogtay ee ay aragtay in maanta aanay taladiiba talo noqonayn illaa uu talefankeeda gacanta (Mobile) arko ayaa ay gebigiisiiba liqday.

Wararka arrintan la xidhiidha oo ay baahisay warbaahinta dalka Brazil ayaa lagu sheegay in gabadhan yar oo magaceedu yahay, Adriana Andrade ficillo ay ku kacday ay ninkan aad uga hinaasiyeen, kuna beereen shaki badan, markii uu ka dalbaday in ay tusto talefankeeda gacanta (Mobile) si uu u baadho liiska talefannadii u dambeeyey ee ay xidhiidheen iyo farriimihii ay dadkii u dambeeyey is dhaafsadeenna waxa ay si degdeg ah u liqday talefankeedii.

Adriana Andrade oo da’deedu 19 sano jir tahay, ayaa markiiba gashay xaalad caafimaad oo nafteeda galaafan gaadhay, waxaana si dhaqso ah loola cararay cisbitaalka oo ku sameeyey baadhitaanno uu ka mid yahay kan ka muuqda sawirka kor ku dhigan oo laga dhex arkayo talefankaii (Mobile) ay liqday oo uurkeeda ku jira. Dhakhaatiirta gacanta ku haysa xaaladda Adriana ayaa lagu wadaa in ay si dhaqso ah gabadhan ugu sameeyaan qalniin adag oo ay kaga soo saarayaan talefanka ay liqday.