Faa’idooyin Badan Oo Caafimaad Ayaa Uu Shaahu U Leeyahay, Gaar Ahaan Shaaha Cagaaran

0
904

Hargeysa (Geeska)- Shaaha oo ah cabbitaan dunida oo dhan caan ka ah, in kasta oo dhaqannada kala duwan ee bulshooyinka dunida awgeed siyaabo kala duwan loo kariyo, isla markaana ay aad u kala duwan tahay qaabka uu u baxo, noocyo kala duwanna uu leeyahay, ayaa la aaminsan yahay in uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin. Shaaha oo ka mid ah cabbitaannada dadka Soomaalidu dhaqan ahaan caanka ku yihiin, gaar ahaan raggu ay cabbitaankiisa ku dul haasaawaan, sida ka muuqata maahmaahda tidhaahda, “Rag waa shah, dumarna waa sheeko” ayaa maaddooyinka uu caanka ku yahay ee ku jira waxaa ka mid ah, kuwo liddi ku ah ama jidhka kala dagaalama suntan, iyo maadadda Caffeine oo in kasta oo ay dhibaato keento haddii ay jidhka ku badato, haddana qudheedu leh faa’idooyinkeeda, gaar ahaan marka ay shaaha ku jirto ee ay raacdo maaddooyinka kale ee uu ka kooban yahay shaahu.

Khubarada caafimaadka ee mararka kala duwan baadhitaannada cilmiga ah ku samaysay faa’idooyinka shaaha ayaa sheega in ay ka mid tahay in shaahu uu awood u leeyahay in uu jidhkeenna kala dagaalamo noocyo badan oo ka mid ah cudurka Kansarka, xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo cudurro kale. Marka ay si gaar ah u sii kala qaadno waxa ay cilmi-baadhayaashu xaqiijiyeen in maadda ECGC oo ku jirta guud ahaan shaaha, laakiin si gaar ah ugu badan shaaha cagaarani ay si adag ula dagaallanto sababaha keena kansarka, gaar ahaan noocyadiisa ku dhaca, sambabada, caloosha, ganaca, midhicirada, xiniinyaha iyo naasaha, waxa uu sidoo kale ka hortagaa in ay awdmaan marinnada iyo halbawlayaasha dhiigga, iyo weliba sababaha keena cudurka wadne xanuunka. Shaaha cagaarani waxa uu qani ku yahay maaddooyinka Caffeine iyo Tannin oo kaalin laxaad leh ka qaata baraarujinta iyo firfircoonaysiinta maskaxda, waxa aanay khuabradu aaminsan yihiin in mar kasta oo uu shaahu karinta kadib waqti badan yaallo ay sii yaraanayso faa’idadiisu. Faa’idooyinka kale ee Shaaha cagaaran waxaa ka mid ah in uu dufanka ka gubo jidhka, in uu unugyada maskaxda ka difaaco suntan, in uu yareeyo khatarta cudurka Zhemiers, Parkinson’s, iyo kalastaroolka dhiigga raacda.