Carruurta Yar Yar Oo Saacado Badan Talefishanka La Hor Fadhiisiyaa Waxa Ay Ku Keentaa Doqonniimo Iyo Khataro Badan Oo Caafimaad

0
583

Picture1Berlin (Geeska)- Aqoonyahan u dhashay dalka Germany ayaa daraasad uu sameeyey, ku ogaaday natiijo ka digaysa dhib ay carruurta aad u yaryar kala kulmaan hor fadhiga badan ee talefishanka. Aqoonyahankan oo ku xeel dheer cilmi nafsigu waxa uu sheegay in ilmaha yar oo la hor dhigo talefishanku ay keento dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay doqonniimo. Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee dalka Germany ayaa intaas ku daray in khabiirkan oo magaciisa la yidhaahdo, Manfred Cbetsr oo madax ka ah qaybta caafimaadka cilmi nafsiga ee cisbitaal Jaamacadeed oo ku yaalla dalka Germany ayaa mar uu la hadlay majaladda Focus ee ka soo baxda dalkaas Jarmalku uu sheegay in ilmaha oo la hor dhigo Talefishanka ama DVD-gu ay keento in ilmuhu la waabto ama ku dhiiran waayo hadalka, oo uu noqdo carruurta hadalku muddada dheer ku qaato.

Sida la og yahay dalka France ayaa hore u mamnuucay in la sii daayo barnaamij carruureed oo loogu talo galay carruurta da'doodu ay ka yar tahay 3 sano, mamnuucista dalka France waxa ay ka dambaysay markii wasaaradda caafimaadka ee dalku daraasad ay samaysay ay ku caddaysay in daawashada talefishanku khataro badan ku keento carruurta aadka u yaryar. Dhibaatooyinka ay daraasaddaasi sida gaarka ah u xustayna waxaa a mid ah , mushkilado dhinaca korniinka ah, khal-khal dhinaca hadalka ah, hurdo xumo, habsami u shaqaynta maskaxda oo firfircoonida yaraysa iyo fiirsiga oo ka lumo.

Daraasado kale ayaa iyaguna daahfuray in carruurta da’da yar oo la daawadsiiyo filimada dadka waaweyn iyo guud ahaanba filimada dagaalka iyo xasaraddu ku jiraan, kuwa muuqaallada jacaylka ahi ku badan yihiin iyo kuwo khiyaamada laga dheehanayaa ay ilmaha ku keenaan in marka uu weynaado uu la qabatimo dabeecadahaas xun, oo tusaale ahaan uu noqdo ilmo rabshad iyo dagaal badan ama gacan ka hadal iyo ciyaa-suuqnimo looga taag-waayo iyo in uu noqdo ilmo khiyaamada iyo ficillada aan fiicnayn ama aanu waqtigoodii weli gaadhin ku dhiirrada.