Gabadh Meher U Qabsatay In Ninkeedu Uu Dusha Ka Xafido 30 Ka Jus Ee Qur’aanka Kariimka Ah

0
560

Riyaad (Geeska)- Gabadh dhalinyaro ah oo u dhalatay dalka Sucuudiga ayaa shardi ka dhigtay in meherka ay ka doonayso ninka soo doonay uu yahay in uu xafido Soddonka Jus ee Qur'aanka Kariimka ah. Inantan oo deggen caasimadda ganacsiga dalka Sucuudiga ee Jeddah ayaa nin guurka doonayey u sheegtay in  aanay ka ribin meher xoolo iyo dahab ah iyo adduun kale midna, ee ay ka rabto keliya in uu xafido Qur'aanka kariimka ah.

Inantan yar oo da'deedu tahay 21 Jir ay waa ardayad wax ka barata Jaamacadda Boqor Cabdalcassiis ee ku taalla dalka Sucuudiga, waxa aanay si cad u sheegtay in aanay meher kale u baahnayn haddii uu saygeedu noqdo nin si sax ah oo dhamaystiran dusha uga xafidsan Qur'aanka kariimka ah