Arrimo Burburiya Awoodda Maskaxeed Ee Qofka (Q:5)

0
504

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii 5aad ee taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey arrimo ay khubarada cilmunafsigu xaqiijiyeen in haddii aanu qofku iska ilaalin ay ku keeni karaan burbur iyo hawlgab ku yimaada awoodda maskaxeed ee qofka.

14. Ha isku dayin in aad noqoto qof aan la fahmin karin: Haddii uu qofka ka qaldamo nidaamka xidhiidhku, waxaa ka luma hannaanka uu bulshada u dhex geli karo, waxaana dhici karta in xog muhiim u ah isaga oo xidhiidhka bulshada uu ku heli lahaa aanu helin, ama ugu yaraan si dhamaystiran aanu u helin ama aanay waqtiga ku habboon soo gaadhin. Qofka maskaxda badani waxa uu si fiican u fahamsan yahay in xidhiidhka bulshada uu la leeyahay uu muhiim u yahay noloshiisa, talada iyo go’aamada uu qaadanayo, sidaa awgeed waxa ay ku dadaalaan in ay tirtiraan wax kasta oo keeni karo in fahamka ay isaga bulshadu ka haysato uu mad-madow soo galo ama in uu isaga iyo dadka ay xidhiidhayaan isfahmi waa dhex yimaaddo.

Picture215. Ha u qaadan in dadka oo dhami ku qasban yihiin in ay kaa farxiyaan: Adigu kelidaa xaq uma lihid  farxadda dunida kaj irta oo dhan in aad koobsato. Adduunyadan markii aad u dhalatay, cidi kuuma dammaanad qaadin in wax kasta oo dhacayaa kaa farxiyo, dadaal iyo hawl oo noloshaada ku timaadda ama dadaal kasta ay u baahataana uu adiga kelidaa dusha kaa saaran yahay. Waa in aad fahamto in nolosha aanad ku lahayn abaal aad ka sugto guditaankiisa,  sidoo kale dadka dunida joogana abaal aad ku sii lahayd oo ay kuu gudayaan ma jiro. Waa in aad hadda bilowdaa dadaalka aad u baahan tahay iyo cidda aad noloshaada abaal ugu beerayso, waana in aad ogaato in farxadda aad raadinaysaa aanay ahayn mid dadka oo dhami ku qasban yihiin in ay kula raadiyaan.

16. Qaladaadka oo aad ku celcelisaa maskaxdaada ayaa ay dilaan: In mar aad qaldantaa mushkiladi kuma jirto, ama waaba dersi noloshu u baahan tahay, laakiin ceebta ugu weyni waxa ay ka taagan tahay in aad qaladkaa laftiisa uun ku celiso mar labaad, adiga oo isla jidkii hore ee qaladka keenay u maraya. Waa doqonniimo in aad baran kari weydo in jidkii aad hore u soo martay qalad kugu hoggaamiyey oo hadda loo baahan yahay fikir cusub iyo in aad dariiq kale ka wareegto. La soco qaybta u dambaysa…