Gabadh Markii Ay Xaqiiqsatay Inay Dhimanayso Jeex Jeexday 1 Milyan Oo Euro, Iyo Sababta Keentay

0
570

Picture11Vienna (Geeska)- Haweenay 85 jir ah oo u dhalatay dalka Austria ayaa intii aanay dhiman jeex-jeexday Hal Milyan oo lacagta midowga Yurub ah, si ay dadka dhaxalkeeda leh uga hor-istaagto in ay dhaxalka helaan.

Gabadhan ayaa markii ay dhimatay gurigeeda laga soo saaray googo’a lacag ku dhow hal Milyan oo lacagta Euor ee midowga Yurub ah, garsoorka dalkaas oo arrintan dacwaddeeda loo gudbiyey ayaana sheegaya in ujeedada ay u jarjartay ay ahayd keliya si ay ugu xistido dadka dhaxalkeeda xaqa u lahaa.

Sidoo kale gabadhani waxa ay jeex jeexday ama tirtirtay buugaagta xisaab dhigashada bangiyada, laakiin garsooruhu waxa uu sheegay in aanu baadhis rasmi ah arrintan ka filanayn, maadaama oo ficilkan ay gabadhu ku kacday dhimashadeeda ka hor aanu burinayn ama ka hor imanayn sharciga dalkaas.

Laakiin arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in gabadhan geeriyootay aanay u rumoobi doonin riyadeedii ahayd in ay dhaxal seejiso kuwa ehelkeeda ah ee dhaxalka ka sugayey. Sababtuna waa Bangiga dhexe ee dalka Austria oo sheegay in lacagtaas ay u beddeli doonaan, taas oo keenaysa in dadkii ay gabadhani u diidanayd dhaxalkeedu ay hadda heli doonaan kadib marka ay bangiga ka soo beddeshaan lacagtan ay googoysay.