Shirkii Ilaalinta Deegaanka Oo Hargeysa Lagu Soo Gunaanaday

0
505

Picture1Hargeysa (Geeska)-Shirkii ku saabsanaa ilaalinta iyo daryeelka Deegaanka,oo markii ugu horeeysay Somaliland lagu qabtay, isla markaana ay ka soo qayb galeen Wadamada Geeska Afrika ayaa  si rasmiya loo soo gaba gabaayey.

Shirkan oo muddo Saddex Cisho ah ka socday Mansoor Hotel ee magaalada Hargeya oo ay ka qayb galeen 120 xubnood iyo in ka badan oo ka kala socday Wadamada Geeska Afrika, ayaa waxa xidhitaankii ama gaba gabadii Shirkan oo lagu qabtay Green Plaza ka qayb galay Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Waris, Wasiirka Arrimaha Dibada Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Marwo Shugti Xariir, Guddoomiyaha Ururka Deegaanka Barwaaqo Marwo Khadra Cumar Xasan, Guddoomiyaha Ururka Deegaanka Geeska Afrika Muwai Shaddad, Xubnihii kala duwanaa ee ka kala socoday Wadamada Geeska Afrika, xubno ka kala socda qaar ka mid ah Wadamada Yurub, Mareykanka  iyo marti sharaf aad u tiro bada.   

Guddoomiyaha ururka Barwaaqo [BVO] Marwo Khadra Cumar Xasan oo iyadu ugu horeyn munaasibadaas oo ahayd casho sharaf ka hadashay waxa ay ka hadashay waxyaabihii uu shirkani ku saabsana  iyo qiimaha uu Somaliland u leeyahay, waxxayna tidhi “Shirkani waa shir caalami ah qiimo balaadhanna  ayuu u  leeyahay Somaliland waayo dadkii nagala soo qaybgalay oo ay qaarkood ka yimideen Mareykanka iyo Netherlands oo markii hore baqayey hada waxay leeyihiin annagaa Somaliland safiirro u noqonayna. 

Marwada Madaxweynaha waxaan ugu tagay xafiiskeeda waxaanan ka codsaday inay hadda kadib noqoto safiirka arrimaha deegaanka ee Somaliland waanay iga aqbashay”

Guddoomiyaha Ururka Barwaaqo ayaa mar ay ka hadlaysay sida loo ilaaliyo Deegaanka iyo Dhirta waxa ay tidhi“inagu ma naqaano sida dhirta loo ilaaliyo ama geedaha loo beero dhamaanteenna waxaan ku wada mashquulsannahay arrimaha siyaasadda markaa waxaan soo jeedinayaa inaynu siyaadda dadka qaarkii u dayno inteenna kalana ay ka shaqeeyaan deegaanka iyo hormarinta bulshada”

Gudoomiyaha ururrka Deegaanka ee Wadamada Geeska Afrika (Hoarec) Dr Muawia Shadaad oo isna Munaasibadaas  ka hadlay waxa ka waramay muhiimada uu shirkani u leeyahay Africa gaar ahaan marka ay noqoto dhinaca ilaalinta deegaanka iyo sida looga faa’iidaysan, waxaanu xusay taariikhda khibaraddiisa arrimaha deegaanka ee dalkiisa Suudaan uu ka soo qabtay waxaanu sheegay inuu ku soo jiray arrimaha deegaanka, waxa kale oo uu xusay  cimilladu isbadalayso Africana looga baahanyahay inay ka faa’idaystaan khayraadka dalalooda ILLAAHAY ku mannaysta dhirta ay jarayaan iyo dhuxusha ay gubayaanna ay ka waantoobaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay  muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka iyo fayo-dhawrkiisa waxaanu ku boorriyey dadka dhirta  goynaya inay ka waantoobaan jarideeda isla markaana ay bulshada kale ka dhiidhido mushkiladda lagu hayo baabi’inta dhirta iyo nagaabd guurka dhinta lagu hayo.

wasiir ku xigeenka warfaafinta Marwo Shukri Xariir oo iyana halkaas ka hadashay  ayaa iyana dhankeeda waxa ay balanqaaday inay Wasaarardda Warfaafintu doorkeeda ka qaadanayso ilaalinta deegaanka kuna dadaalayso sidii ay bulshada ugu wacyigelin lahayeen dhibka ka iman kara Deegaanka oo la dayaco iyo dhirta oo la jaro 

Deegaanka  Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare oo iyana halkaas ka hadashay  ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay inay ku rajoweyntahay inay dadka shirkan ka soo qaybgalay oo dhami noqodoonaan Safiirro wakiillo dalalkooda uga noqon doona ilaalinta deegaanka, waxayna si gaar ah baaq ugu dirtay Bulshada reer Somaliland oo ay kula talinaysay inay ilaaliyaan Deegaanka.

Marwada Madaxweynaha Somaliland  Marwo  Amina Waris Xaaji Maxamuud Jirde oo iyana Munaasibadaas ka hadashay ayaa waxa ay si gaar ah ugu mahadnaqday Ururka Barwaaqo, oo ay ku amaantay sida ay uu ururkani u soo agaasimay Shirkan caalamiga ah, waxayna ka war bixisay qiimaha uu deegaanku leeyahay, iyo sida ugu wanaagsan ee loo ilaalin karo "Shirkani waa Shir lagaga hadlaayo Deegaanka Wadamada Geeska Afrika, inaguna aynu ka mid nahay, aad iyo aad ayeynu ugu baahan ahay inaynu deegaankeena, dhirteena, xoolaheena ka fikirno, waayo caalamku hadda waxa ay u soo jeesteen dhibaatooyinka dhici kara, waayo hadhaw intii lana hiifi lahaa lana odhan lahaa Caruurta idinku  dhashaan, kuwa aad sii dhashaan, kuwa aanu ayeeyada u nahay, odhan lahaayeen kuwaygii  waaweynaa maxay nooga tageen maxay deegaanka u qabteen, musqabalkeena iyo nolosheenuna waxa ay ku xidhan tahay sida aynu deegaankeena u ilaalino, sida aynu xoolo dhaqatadeena u ilaalino, sida aynu dhirteena u ilaalino, sida aynu nadaafadeena u ilaalino, waa nolosheeni"    

Ugu dambayntii gabagabadii waxa Munaasibadaas  shahaadooyin lagu gudoonsiiyey dad fara badan oo loo gartay  inay wax fiican ka qabteen arrimaha deegaanka taas oo dhiirigelin looga dhigayey inay hawlaha deegaanka halkaa ka sii hayaan ilaalintiisa.