Gabadh Gaadhi Jiidhsiisay Odaygeeda Oo U Codeeyey Murashax Madaxweyne Oo Aanay Doonayn

0
624

Picture9

Washington (Geeska)- Maxkamad ku taalla dalka Maraykanka ayaa xabsi saddex sano iyo badh ah ku xukuntay gabadh gaadhigii qoyskeeda sannadkii 2012ka jiidhsiisay saygeeda oo ay ka cadhootay kadib markii uu codayn waayey doorashadii sannadkii 2012ka ka dhacday dalka Maraykanka.

Holly Nicole Solomon oo 31 sano jir ah, ayaa bishii aynu soo dhaafnay ee Abriil maxkamadda horteeda ka qiratay eedda loo soo jeediyey ee ahayd in ay odaygeeda gaadhiga jiidhsiisay. Booliiskuna waxa uu caddeeyey in Holly Nicole Solomon ay cadho is-madax marsanayd maalmihii ka dambeeyey doorashadii madaxtooyada Maraykanka ee uu ku guulaystay Barak Obama, maadaama oo ay aaminsanayd in xaaladda nololeed ee qoyskeedu sii adkaan doonto haddii mar labaad xilka madaxweynaha uu ku soo noqdo madaxweyne Barak Obama. Waxa aanay cadhadeedu sii korodhay markii ay ogaatay in odaygeeda oo ay ka codsatay in uu u codeeyo murashaxa la tartamayey Obama in aanu codkiisaba dhiiban.

10kii Bishii Noofambar 2012kii ayaa ay ahayd markii Holly Nicle ay gaadhi qoysku lahaa oo noociisu Jeep yahay ku eryatay saygeeda Daniel Solomon oo da’diisu 36 jir tahay, kadibna ay jiidhsiisay, waxa aanu booliisku soo gaadhay goobta iyada oo uu Weli Daniel hoos yaallo gaadhiga.

In kasta oo ay Holly qiratay in ay gaadhiga jiidhsiisay saygeeda, haddana waxa ay ku doodaysaa in ay keliya doonaysay in ay ku cabsi geliso, laakiin si kedis ah ay cagteedu si miisaan leh ugu dhacday leewarka (Xawaareeyaha) gaadhiga taasina ay keentay in uu jiidho saygeeda ka ordayey. Maxkamaddu waxa ay xukunka gabadhan khafiifisay qiraalkeeda awgeed waxase ay sidoo kale xukuntay in muddo afar sano ah xaalka gabadhan si gaar ah loola socdo si loo hubiyo badqabkeeda maskaxeed.