Guurku Waxa Uu Keena Buurni, Guurka Kadibna Lammaanuhu Way Ka tagaan Xarragada Iyo Is-qurxinta

0
665

Picture10

Washington (Geeska)- Daraasad lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daah-furtay in korodhka buurnida ee dadka xaaska lihi mar walba ka badan tahay korodhka buurnida dadka aan xaaska lahayn. Majaladda Obesity oo ka faalloota cayilka ayaa qortay natiijada daraasaddan oo sheegaysa in buurnidu mar walba ku korodho xaasleyda oo ay raggu ugu badan yihiin.

Benny Gordon oo ka mid ahayd cilmi baadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegtay in dumarka iyo raggu ka siman yihiin buurnidan guurku wato, xeel-dheerahani waxa ay sheegtay in baadhitaankan ay ku ogaadeen in dumarka xaaska lahaa muddo shan sano ah iyo ka badan, ay boqolkiiba 63 yihiin kuwo buuran ugu yaraan marka la barbar dhigo sida ay ahaayeen guurka hortii. Waxa ay gabadhani sheegtay in mar kasta oo uu kordho muddada xaasnimo ee gabadhu ay kor u kacdo buurnideedu.

Dhanka kalana Benny oo si gaar ah uga hadlaysa buurnida guurka kadib ee ragga ayaa sheegtay in raggu guurka dabadii muddo gaaban uu jidhkoodu bilaabo cayilaad. Cilmibaadhistan waxaa lagu ogaaday in ninku marka uu guursado sannad gudihii laga dareemi karo buurnida ku siyaadaysa jidhkiisa. Laakiin sida daraasadda lagu caddeeyey lammaanaha isqaba ee laga hadlayaa waa kuwa wada nool ama waqtigooda inta ugu badan guri ku wada qaata.

Arrinta ugu xiisaha badan ee ay daraasaddani ku sababaysay buurnida ayaa ah qofka oo guurka dabadii nafsi ahaan xasila iyo cuntada uu guurka hortii cuno oo korodha marka uu guursado, gaar ahaan marka ninka iyo gabadhu saxan keliya cuntada ku wadaagaan. Waxa kale oo ka mid ah sababa ay daraasaddu sheegtay in ninka iyo gabadhuba guurka kadib inta badan naftooda iyo qurxinteeda illaabaan, wax badanna aanay ka fikirin jidh dhiskooda.