Ninku Kulanka Koowaad Gabadha Been Ayaa Uu U Sheegaa Laakiin Isla Markaba Waa Ay Ku Fahantaa

0
836

Brasilia (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Brazil ayaa daahfurtay in ninku si uu u soo xero geliyo gabadha adeegsado khiyaamooyin  kala duwan. Cilmibaadhistan oo ay xeel-dheerayaasha cilmiga bulshadu ku baadhayeen xeeladaha ugu badan ee ay raggu u maraan hanashada qalbiga gabadha, ayaa xaqiijisay in ninku sidiisaba gabadha ka aaminsan yahay faham qaldan oo ah in ay tahay makhluuq daciif ah, laakiin runtu ay sidaas ka fog tahay.

Daraasaddu waxa ay iftiimisay in ay ragga qaarkood ay ku dadaalaan in kulanka koowaad ee isbarashada ay gabadha been u sheegaan iyaga oo weliba bilow illaa dhammaad inta ay wada joogaan xogta ay u sheegayaan iyo qisaska ay uga waramayaanba been yihiin, laakiin ceebtu waxa ay tahay in isla fadhigan gudihiisa ay ninka ka soo dhacaan ereyo uu ku hilmaamayo oo muujinaya in uu been sheegayo.

Daraasaddan oo sidoo kale lagu ogaaday in gabadhu ay kulanka koowaadba ninka ku qaabisho dareen feejigan oo ay ku dhadhaminayso ereyadiisa oo dhan, iyada oo weliba la akhiyeysa dareenka ka muuqda wejigiisa iyo xarakaadka xubinihiisa, gaar ahaan marka hadalka uu ninku ka waramayaa uu yahay mid jacaylka iyo arrimaha xidhiidhka haweenka iyo ragga la xidhiidha, waayo waxa ay og tahay in qalad kasta oo dhacaa uu iyada dhaawaca ugu xun gaadhsiinayo, waana feejignaan iyo dareen soo jeeda oo abuur ahaan Alle ku beeray. Inta badanna ay ku garato beenta iyo xeeladaha dhegeraysan ee ninka.

Sahamin ay xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey qaadeen ayaa caddaysay in raggu boqolkiiba 80 ay gabadha been u sheegaan kulankooda koowaad ee isbarashada. Gaar ahaanna waxa ay beentoodu badan tahay marka ay gabadha ka dareemaan qurux ama xiise ay u qabaan xidhiidh ay la abuuraan. Nasiibwanaagna dumarku boqolkiiba 75 waxa ay leeyihiin dareen isla markaba akhirsta niyadda ninka oo ay ku garan karaan guur iyo gaabis midka uu u socdo.

Gol-jilicda ugu weyn ee gabadha ayaa ah in ay dumarku si ragga ka badan u aaminsan yihiin saaxiibtinimo aan xidhiidh jinsi iyo ujeedo xun lahayni in ay dhex mari karto labada jinsi, ragga badankooduna iyaga oo taas ka faa’idaysanaya ayaa ay gabadha saaxiibtinimo ku galaan kadibna ujeedooyin qallooca u baydhaan.