Gaadhi Duulaya Oo Uu Turkigu Sameeyey Ayaa Ka Gudbay Tijaabadii Koowaad

0
684

Turkiga ayaa ayaa ku guulaystya tijaabada koowaad ee gaadhi duulaya oo uu dalkiisa ku sameeyey. Gaadhigan oo lagu magacaabo ‘Cezeri’ waxaa lagu salaasadii 24-ka Noofambar lagu tijaabiyey magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Gaadhiga ‘Cezeri’ nashqaddiisa waxaa sameeyey Injineerro Turki ahi, isla markaana dhammaan qalabka uu ka samaysan yahay waxaa lagu sameeyey dalka Turkiga gudihiisa.

Shirkadda gaadhigan samaysay oo lagu magacaabo Baykar ayaa warmurtiyeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in gaadhigan oo miisaankiisu uu yahay 230 kiiloogaraam uu tijaabadii koowaadba awooday in uu joog 10 mitir ah ku duulay. Shirkaddu waxda ay sheegtay in magaca gaadhigan laga soo dheegtay caalimkii muslimka ahaa ee hal-abuuray cilmiga makaanikada iyo mishiinnada. Jasari cilmigan uu ikhtiraacay waxa uu albaabka u furay soo shaac bixistii mishiinnada, taas oo ay reer Yurub si aad ah uga faa’iidaysteen udub dhexaadna u ahayd warshadhii bilowga u ahaa dhaqaalaha iyo nolosha casriga ah ee reer Yurub oo hanaqaaday illigii la baxay ‘Kacaankii warshadaha’.

Maamulaha shirkadda Beykar Saljuuq Beyrqaddaar oo ka hadlay gaadhiga cusub ayaa sheegay in shirkaddu ay go’aansatay in baabuur saamballo hordhaa ah ay dhowaan soo saarto, kaddibna lagu fulin doono safarro dadweyne oo caadiya. Laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in guulaysiga mashruuc noocan ahi ay qaadan doonto 10 illaa 15 sano oo ah marka la dhammaystirayo gaadhigan si buuxdana loogu aamini karo in uu duulo isaga oo rakaab sida. Waxa se uu sheegay in saddex ama afar sano kaddib ay soo bixi doonaan tiro ka mid ah baabuurkan oo lagu isticmaalo meelaha dalxiiska loo tago iyo dhulka tamashlaha ay dadku ugu soo qaataan.

Warbaahinta Turkiga ayaa sii deysay wararka gaadhigan duulaya iyaga oo soo qaatay sawirro muujinaya gaadhiga Cezeri oo dul haadaya qaybo ka mid ah magaalada Istanbuul.

Dalka Turkiga oo hore ugu guulaystay in uu baabuur farsamadooda iyo qalabkoodu maxalli yihiin sameeyo, isuna diyaarinayo in uu ka mid noqdo dalalka dibadda u dhoofiya gaadiidka, ayaa sida oo kale hore ugu guulaystay samaynta gawaadhi nooca garaadka-san (Smart) ah oo weli tijaabadii ku jira, tanina waxa ay noqonaysaa tallaabo kale oo ku soo biiraysa waxsoosaarka warshadaha Yurub ee sida xawaaraha ah u koraya.

Shirkadda Beykar oo la aasaasay sannadkii 1984 kii, waxa ay soo saartaa baabuur isugu jira kuwa rayid ah iyo kuwo milateri, waxa kale oo ay dhowaanahan soo saaraysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo aad u casriya, loogana faa’idaysan karo dano rayid ah iyo kuwo ciidan labadaba.