Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Jawaabtay Eed Uu Xisbiga WADDANI U Jeediyey

0
578

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay dhaliilo ka soo yeedhay Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI oo ku waajahnaa in tan iyo markii uu talada dalka la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi in aanu wax badan Xukuumaddiisu qabanin.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey dhaliilaha Xisbiga Waddani, gaar ahaan dhaliilaha sida gaarka ah ugu socda Wasaaraddiisa ayaa ku jawaabay “Xukuumadda aan ka mid ka ahay ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi, haddii aan xaqiiqada la iska indho-tirayn dhinaca kasta wax bay ka qabatay, haddii ay tahay arrimaha bulshada, arrimaha dibedda, arrimaha gudaha, arrimaha caafimaadkaba, maaha in la la darifo la iskana indho-tiro wax qabadka Xukuumadda,mana ah in loo soo jeediyo eedo aanay lahayn, haddii aan si gaar ah uga hadlo arrimaha Caafimaadkana maantana meel fiican baynu ka maraynaa adeegyada caafimaadka ee dalka, oo intaas oo MCH ayay Xukuumaddu ka dhistay deegaanada kala duwan ee dalka, dedaalka lagu horumarinayo Caafimaadka iyo adeegyada kala ee umadda loo qabanayana waa la sii wadayaa insha allaah, Xukuumadduna mar walba Shacabkeeda way garab taagan tahay oo wax kasta oo karaankeeda ah way u qabanaysaa, waxaana xaqiiqo ah in mashaariico fara badan inay Xukuumaddu ka fulisay deegaanada dalka duwan ee dalka, qaar kalena ay ka fulin doonto insha allaah”

 

Geeska.net/Hargeisa Office