Khilaafyada Ugu Badan Ee Lammaanaha Qoyska Ah Soo Dhexgala Iyo Sababaha Keena

0
338

Inkasta oo ay arrin dabiici ah tahay in lammaanaha uu khilaaf soodhexgalo, sida oo kalana saaxiibbada iyo qoysaska ama dadka wada shaqeeya iyo danwadaagtu isku qabtaan arrimaha ka dhexeeya, haddana khilaafka qoysku inta badan waa uu ka khatar badan yahay kuwa kale oo dhan. Sidaas awgeed waa muhiim in daraasado gaar ah lagu sameeyo waxyaabaha keena iyo siyaabaha ugu fiican ee looga hortegi karo ama lagu xallin karo. Waxa kale oo muhiim ah in lagu tababarto noocyada khilaaf ee soo noqnoqda iyo sida loogu heli karo xal ka hor istaaga in ay qoyska burbur geliyaan.

Xarunta cilmibaadhista ee Pew oo dalka Maraykanka ka dhisan ayaa sahamin ay dhowaan samaysay ku ogaatay in furniinka qoysasku uu dunida ku sii badanayo. Taasina ay dalalka reer galbeedka ka abuurtay in dadku ay ka walaacaan guurka. Sababaha ugu badan ee guurka hoos u dhigay ayaa ay rayi ururintu ku sheegtay xasilooni darrada maaliyadeed ee dadka dunida ku soo kordhaysa, hubaanti la’aanta xirfadeed iyo cabsi uu labada qof mid kastaa ka qabo in kan kale uu oofin doono axdiga dhismaha qoyskoodu ku taagan yahay. Waxaa iyaduna qayb ka ah cabsi ay dad badani ka qabaan in aanay heli Karin lammaanaha ay doonayaan.

Asaaska khilaafka lammaanaha

Cilmibaadhe Lopez iyo koox la shaqaynaysay ayaa daraasad ay ku ogaanayeen nooca khilaaf ee lammaanaha dhexgala waxa ay ku ogaadeen 83 sababood oo dhammaantood qayb ka ah khilaafka lammaaneyaasha soo dhexgala. Waxaa ka mid ah 30 sababood oo uu ku tilmaamay kuwa ugu badan ee keena khilaafka lammaanaha isqaba.

  1. Jacay iyo kalgacalka ku habboon xidhiidhka ama saxda ah oo lammaanaha midkood laga waayo.
  2. Xidhiidhka lammaanaha oo go’a ama daciifa, gaar ahaan marka ay meelo kala duwan ku nool yihiin.
  3. Labada qof oo midkood aanu yeelan daryeelkii uu kan kale u arkayey muhiimka.
  4. Hinaasaha.
  5. Lammaanaha oo midkood la xidhiidho qof uu hore xidhiidh uga dhexeyn jiray ama qof ay hore xaas u ahaan jireen oo ay kala tageen.
  6. Lammaanaha oo midkood noqdo kelitaliye jecel in uu isagu wax kasta maamulo wax kastana looga dambeeyo, ama u dhaqmo sida in qofka kale uu yahay hanti uu leeyahay.
  7. Labada qof midkood oo saaxiibbadii la qaata waqti ka badan ka uu siiyo mataankiisa.
  8. Maamula arrimaha guriga, cuntooyinka iyo sida loo wadaagayo shaqada guriga iyo qosyksa.
  9. Masuuliyadhaa sida loo qaybsanayo, waqtiga xidhiidhka galmada oo la isla fahmi waayo ama labada qof isku qancin kari waayeen.
  10. Xidhiidhka gaarka ah ee labada qof u dhexeeya oo uu midkood dad kale uga sii sheekeeyo, kaddibna uu mataankiisu ka xanaaqo maadaama uu yahay qofka ay ka dhexeysay.
  11. Xididka iyo qoysaska labada qof midkood ama labadoodaba oo soo farageliya qoyska.
  12. Sababaha khilaafka qoyska keena waxaa ka mid ah in la isku khilaafo talada iyo sida ay lammaanuhu u kala yeelanayaan, ama cidda gacanta ku haynaysa.
  13. Daraasado la sameeyey waxa ay iftiimiyeen in sababaha ugu badan ee khilaafaadka qoyska keena ay ka mid tahay aragtida diinta ama dhaqanka oo lagu kala duwanaado.
  14. Ujeedada nolosha laga leeyahay oo kala aragti laga noqdo.
  15. Qorshayaasha mustaqbalka qoyska oo lagu heshiinwaayo.
  16. Barbaarinta ubadka.
  17. Lammaanaha oo midkood dareemo in aanu kan kale danaynayn ama qawada jacaylka uu ku qabo.
  18. Hinaasaha lammaanaha midkood ka qaado kan kale iyo khiyaamo uu midkood ku kaco, ama xidhiidhka Jinsiga ah oo lagu heshiin waayo.
  19. Xidhiidhada ama jacaylka hore ee uu lammaanaha midkood soo maray ayaa isaguna khatar ku noqon kara jiritaanka qoyska, sababta ugu badanina waa marka qofka ay soo mareen aanu hadal haynta qisadaas joojin ama ku calool adaygin in uu jaro gebi ahaanba xidhiidhka uu la lahaa qofka ay xidhiidhka hore lahaayeen.

Xeeldheereyaashu waa ay sheegeen in khilaafaadka qoysku ay inta badan soo baxaan marka muddada ay qoyska yihiin ay gaadho saddex sano.

Waxaa laga yaabaa in ay jiraan dadyow ay qodobbada ay daraasadahani xuseen qaarkood ay la yaab ku noqdaan, waxa se ay khubaradu sheegayaan in marka hore qaabka iyo waxyaabaha la isku khilaafayaa ay ku xidhan tahay dhaqanka deegaan, aaminsanaanta iyo xadaaradaha ay lammaanuhu ku abtirsadaan, laakiin haddana ay qodobbadani yihiin kuwo badankoodu ay ka siman yihiin. Dhinaca kalana waxa ay xeeldheereyaasha cilmiga bulshada ee qodobbadan diyaariyey sheegayaan in aanay ujeedadu ahayn in qodobbadan ama mid ka mid ah oo dhacaa uu markaba sababayo khilaafka, balse ay tahay arrin soo noqnoqonaysa muddo kaddibna utunta iyo calool xumada ay beertaa ay isu beddelayso khilaaf iyo in la isu dulqaadan kari waayo ama lagu kala go’o.