Fursadaha Somaliland Uga Banaan Socdaalka Hillary Clinton Ee Itoobiya

4
893

 

hillary-clinton-bug-eyed-smileHargeysa(Geeska)-Xoghayaha Arrimaha dibadda dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa maalmaha soo socda booqasho ku iman doonta dalal ka tirsan  Afrika, halkaas oo ay kulamo kula yeelan doonto madaxda dalalkaas.

Toddobaadkan soo socda waxa ay Hillary Clinton booqasho ku tagi doontaa dalka Imaaraadka Carabta oo ay kaga qayb galayso kulan ku saabsan dhibaatooyinka ka taagan dalka Liibiya, waxaanay u dhaafi doontaa dalalka Saambiya iyo Tansaaniya, ugu dambayna waxa ay booqasho ku iman doontaa dalka Itoobiya, halkaas oo ay kulan kula yeelan doonto Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi. Sida uu shalay sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton waxa ay Raysalwasaaraha Itoobiya kala hadli doontaa arrimaha Somaliya, Sudan iyo guud ahaan ammaanka gobalka Geeska Afrika.

Haddaba, socdaalka Hillary Clinton ay ku imanayso dalka Itoobiya waxa ay fursado diblomaasiyadeed uga banaanyihiin dalka Somaliland oo haddii la sameeyo dedaal la heli karo in si uun loo gaadhsiiyo farriin ka socota shacabka Somaliland, mar haddii aanay suurtogal ahayn in toos lala kulmo.

Dawladda Itoobiya waxa ay xidhiidh wanaagsan la leedahay dalka Somaliland, waana dalka koowaad ee uu Maraykanku u maro arrimaha Somaliya iyo xal u helistooda, sidaas darteed waxa looga fadhiyaa xukuumadda Somaliland inay la timaado qorshe ay ugu hawlgasho sidii fursaddaas looga faa’iidaysan lahaa. Weftiga Hillary Clinton waxa ka mid ah madax badan oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas Maraykanka, gaar ahaan kuwa ay shaqadoodu tahay gobalka Geeska Afrika, haddii dedaal la sameeyana waxa dhici karta in laga sii samaysto balan lagula kulmo xubnaha weftiga ka tirsan ee qaabilsan arrimaha gobalka.

Waxa kale oo iyadana socdaalka Hillary Clinton looga faa’iidaysan karaa in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo uu ku dedaalo inuu Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ku qanciyo inuu farriin ka socota dawladda Somaliland gaadhsiiyo haweenaydan oo iyada iyo dalkeedaba ay dunidu u dhego nugashahay. Maaha qasab in la maro labadan qodob amaba in lagu guulaysto dedaal la sameeyo, laakiin waxa guul ah in la isku dayo in laga faa’iidaysto fursadaas oo ay dhif tahay inay mar dambe soo mari doonto.

Waxyaabaha kale ee mudan in la xuso waxa ka mid ah doorkan Hillary Clinton uma qorshaysna inay la kulanto Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, oo doorkii hore ay kula kulantay dalka Kenya, taasina waxay muujinaysaa inaanu Maraykanku ahmiyad siinayn dawladaas tamarta daran, iyadoo la arki karo inay arrimaha dalkii la isku odhan jiray Somaliya ay taladiisa saartay Raysalwasaare Meles Zenawi.

Mar haddii ay sidaas tahayna qof kastaa waxa uu garan karaa inay halkaasi fursadi ku jirto oo weliba haddii laga faa’iidaysto midho dhal noqon karta.

 

Comments are closed.