Ambassador Mahiga Oo Dhakafaar Ku Tilmaamay Xal U Helidda Somaliya Iyo Qorshe Cusub Oo Uu Soo Bandhigay

0
880

 

mahiigaNayrobi(Geeska)-Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Augustine Mahiga ayaa hawsha Somaliya ee loo xil saaray ku tilmaamay mid madax xanuun ah.

Mahiga, oo shalay u waramay wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuu sheegay suurtogalnimada in xalka Somaliya lagu dayo awood qaybsi dhinaca siyaasadda ah, maadaama oo sida uu sheegay madaxda kooxaha Somaliya dhammaantood ay doonayaan inay ka dhex muuqdaan manaasiibta sare ee dawladda, waxaanu sheegay in qorshayaal dhawr ah lagu soo bandhigi doono shirka Muqdisho ka furmaya dabayaaqadda bishan, kaas oo lagaga hortagayo in la gaadho bisha August oo uu wakhtiga Sheekh Shariif ku eegyahay.

Ambassador Mahiga oo xilkan hayay muddo sannad ah, wuxuu sheegay inuu weli niyad iyo awood u hayo xal u helidda Somaliya, waxase uu qiray inay hawsha Somaliy tahay dhakafaar, isagoo hogo tusaaleeyay in kooxaha Somaliya qaarkodo ay niyad jab ku ridaan mararka qaarkood.