Dawladda Itoobiya Oo Caddaysay Inay Miiska Wada Hadalka Isugu Keenayso Somaliland Iyo Puntland, Si Loo Xaliyo Khilaafka Xuduudeed

1
805

 

WADA JIRHargeysa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso sidii ay isugu soo dhawayn lahayd dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland oo isagu hayb ahaan ku sheegta gobalada Sool iyo Sanaag Bari oo ka tirsan Somaliland.

Wargeyska Sub Saharan Informer ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ayaa baahiyay warkan oo uu ka soo xigtay wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland Sareeye guuto Berhia Tesfie, kaas oo sheegay inay Itoobiya ka shaqaynayso sidii xal waara loo gaadhi lahaa. “Dawladda Itoobiya waxay ka shaqaynaysaa inay xaliso dhibaatada, kulana taliso inay joojiyaan oo ay mushkiladda xaliyaan iyagoo wixii jira ka wada hadlaya.” Sidaas ayuu safiirku u sheegay Wargeyskan, waxaanu intaas raaciyay, “Waxay aqbaleen inay mawduucan kaga wada hadlaan Addis Ababa, waxaana la sugayaa inta jadwalka la diyaarinayo.” Safiirku ma cayimin wakhti ay labada dhinac isu imanayaan, waxase uu wargeysku sheegay in la filayo toddobaadyada soo socda.

Safiirku, wuxuu sheegay inay Itoobiya doonayso degenaanshaha gobalka Geeska Afrika, “Itoobiya waxay doonaysaa degenaanshaha gobalka, inay labada dhinac kala shaqayso inay khilaafkooda ku dhammaystaan wada hadal halkii ay is dili lahaayeen.” Ayuu yidhi.

Safiirku, wuxuu sheegay inay Itoobiya Somaliland iyo Puntland la leedahay xidhiidh wanaagsan, waxaanu ugu baaqay inay u moodaabaan cadowgooda isku mid ah oo ah Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay inay hadda xaaladu caadi tahay, islamarkaana ay doonayaan inay nabad ku noolaadaan, sida uu Wargeysku baahiyay.

Masuuliyiinta xukuumadda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino mawduucan ayaanay noo suurtogelin, telefoonada oo ay qaban waayeen darteed.

 

Comments are closed.