“Anigu Ismaan Casilin, Ismana Casilayo”

0
4039

xaabHargaysa( Geeska)- Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar baryahanba laysla dhex maryaay oo la xidhiidhay inuu xilka wasiirnimo iska casilaayo.

Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu wararkaas ku sifeeyay kuwo ay faafiyeen dad aan masuul ahayn oo xukuumada qas ka dhex abuuraya, waxaanu sheegay inaanu damacsanayn inuu is casilo.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiir Xaabsade mar uu shalay warbaahinta kula hadlaayay xafiiskiisa magaalada Hargaysa, waxa kale oo uu wasiirku daboolka ka qaaday in ay balan sanaayeen shirkadaha korontada iyo kuwo kale ayna damacsan yahiin sidii wax looga qaban lahaa xadhkaha tirada badan ee caasiamda hadheeyay.

Waxana wasiir  Xaabsade hadalkiisa uu ku bilaabay “Warkaas baryahanba waan maqlaayay dadka qorayayna waa dad aan masuuliyiin ahayn, sababtuna waxa weeye wax aniga iga yimi ama aan ka hadlay ma jirto, mana is casilaayo, is casilaadaasina meesha ay ka timi ma naqaano, laakiin waa dad uun dawlada inay xumeeyaan oo khalkhal doonaya inay ka dhex abuuraan dawlada dhexdeeda doonya, markaas arintaas wax ka jiraa ma jiraan.”

Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu ka hadlay inay wax ka qabanayaan xadhkaha magaalada dusheeda mara“Maanta ( Shalay ) ayaan la balansanayn hay’adaha korontada iyo kuwo kale, wali noomay iman, lakiin arintaas waxbana ka qabnaynaa insha allaah.”

Hadalkan wasiir Cabdi Xaabsade ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay dhawaan is casileen maayarkii  iyo ku xigeenkiisa degmada Laasacaanood, isla markaasna abaanduulaha ciidanka qaranka oo isaguna ka soo jeeda isla gobalkaas Sool uu is casilaad aan wali laga aqbalin u gubiyay madaxweyne Axmed Siilaanyo.