Finland Oo Ka Mid Ah 10 Ka Dal Ee Nidaamkooda Waxbarasho Ugu Fiican Yahay Dunida, Ayaa Manhajka Waxbarashada Ka Saartay Maddooyinka Xisaabta, Fiisigiska Iyo Maaddooyin Kale

0
763

Helsinki (Geeska)- “Waxaa jira dugsiyo ardaydooda wax u bara nidaam hore oo bilowgii sannadihii sagaashamaadkii ee qarnigii tegey ahaa nidaam fiican, laakiin maanta aan la jaan-qaadi karin baahiyaha cilmi ee casriga ah” Sidaa waxaa tidhi Maru Kulani oo madax ka ah agaasinka waxbarashada ee caasimadda Helsinki ee dalka Finland, mar ay ka faalloonaysay go’aanka uu dalkeedu ku gaadhay in maaddooyinka Xisaabta, Fiisigiska, Suugaanta, Taariikhda iyo Juqraafiga, laga saaro manhajka waxbarashada ee dalka Finland oo lagu tiriyo tobanka dal ee dunida oo dhan ugu wanaagsan dhinaca nidaamka waxbarashada.

Masuuliyiinta manaahijta waxbarashada ee dalka Finland ayaa sheegay in halka ay hadda ka tahay in maaddooyin tiro bada oo magacyo kala duwan ardayga loo dhigo, loo beddeli dooo idaam ah in maaddooyinka la isu geeyo, oo ardaygu uu halkii marba qaato hal cashar oo ka kooban dhammaan maaddooyinkaas, tusaale ahaan, in ardayga uu macallinku uga sheekeeyo oo u dhigo hal cashar oo ku saabsan dagaalkii labaad eee adduunka, isaga oo ka eegaya dhinaca taariikhda, Juqraafiga, iyo xisaabtaba. Kadibna ardaygu uu noqdo mid qaatay hal cashar oo dagaalkaas ka warramaya isla markaana fahmay saddexdaas maaddo.

Tusaale kale, ardayga waxa uu macallinku u dhigayaa hal cashar oo ka warramaya, ‘Shaqada maqaaxida’ laakiin waxaa ku hoos ladhan, in macallinku uu ardayga faham buuxa ka siiyo barashada afka ingiriisiga,  in uu baro aasaasiyaadka dhaqaalaha, iyo in uu fahamsiiyo xirfadda la xidhiidhka dadka, taas oo marka hore noqon lahayd saddex maaddo oo kala ah, luuqadda Ingiriisiga, Cilmiga aasaasiyaadka dhaqaalaha, iyo cilmiga bulshada.

Nidaamkan cusub ayaa lagu dabaqayaa ardayda dugsiyada sare ee da’doodu 16 sano jirka tahay. Waxa aanu qorshuhu yahay in ardaydu halkaas cashar ee xambaarsan maaddooyinka kala duwan uu u fududeeyo, kow; in uu si sahal ah u naqtiimi karo oo isaga oo imtixaankii u diyaar garoobaya uu hal shay uun akhriyayo, iyo ta ka sii fiican oo ah in ardaygu casharkaas is-xambaarka ah kala soo dhex baxo maadaddooyinka uu ka kooban yahay, tooda uu is leeyahay si fiican ayaa aad u baran kartaa una fahamsan tahay si hadhow jaamacadda uu maadaddaas u qaato.

Sidoo kale dalka Finland waxa uu beddelay nidaamka soo jireenka ah ee macaamilka macallika iyo ardayga, oo ah in ardaydu ay kuraasida soo fadhiisato oo soo eegto samuuradda iyo macallinka isaga oo ardaygu sugaya mararka qaarkood isaga oo firka naxsan, goorta uu macallinku ku ciqaabi doono sabuuradda oo aanu soo eegin darteed. Hadda kadib waxa ay fasalladu noqonayaan goob dood iyo falanqayneed oo ardayda oo loo qaybiyey kooxo yaryari dhexdooda iyo iyaga iyo macallinka dhexdoodaba ka doodi doonaan hadba mawduuca casharka maalintaas, qaab siminaar ah oo kale.

Nidaamkan ayaa laga filayaa in uu dhiirrigeliyo shaqo wadareedka, iyo in ardaygu barto in koox-koox si isfaham iyo iskaashi leh loogu wada shaqayn karo.

Nidaamkan casriga ah ee dalka Finland ayaa dhinaca kalana qasab ka dhigaya isku xidhka dhammaan macallimiinta isku maadadda dhiga, si ay waayo-aragnimada isu dhaafsadaan. Warkan uu Geeska Afrika soo turjumay oo ay baahisay shabakadda wararka ee Russia today ayaa intaas ku daraya in dalka Finland laga sameeyey tababar iyo diyaar garayn macallimiita dalka lagu tababarayo nidaamkan cusub ee waxbarasho, waxa aanay masuuliyiintu sheegayaan in ay illaa hadda dhammaystireen tababarka ku dhowaad 70 macallimiinta dugsiyada magaalada Helsinki ka mid ah, si ay ugu shaqeeyaan nidaamkan cusub.