Hillary Oo Jacaylkii Daymada Ku Bilowday Ee Iyada Iyo Bill Clinton Guul Darradii Doorashada Kadib Doonaysa In Ay Soo Af Meerto, Iyo Dareenkeeda Ku Aaddan Jacaylka

0
766

1Washington (Geeska)- Intii ay ahayd wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykaka, gaar ahaa mar ay safar ugu jirtay dhinaca dalka Kuuriyada Koonfureed, ayaa gabadh warfidiyeen ah oo u dhalatay dalka Koonfurta Kuuriya waxa ay Hilary Clinton weydiisay, “Jacalka maxaad ku macnayn lahayd?” Hilary oo muddaba arrimo siyaasadeed iyo dagaal diblumaasiyadeed uun ka soo hadlaysay su’aashani waxa ay ku noqotay, soo booddo, waxa laga dareemayey in ay ka jeclaan lahayd in la weydiiyey, “Aragtideeda la xidhiidha hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi”

Laakiin Hilary oo ah dadka aadka u heli og jawaabaha su’aalaha kediska loo weydiiyo, ayaa inta ay qososhay waxa ay ugu jawaabtay, “Su’aashaadu waxa ay i gelisay shucuur ah in aan ahay ruux maqaal qoraya, ama gacan ka geysanaya arrimaha horumarita nafta, oo aanan wasiir arrimo dibadeed ahayn”

Hilary intaas kuma ay joojin ee waxa ay ku sii dartay, “Waa maxay jacayl? Waa su’aal aad u adag oo gabayaa badani kumannaan sano soo wadeen qoraallada iyo gabayada la xidhiidha arrintan si ay jawaab ugu helaan su’aasha aad i weydiisay… Anigu se’ waxa aan si kooban u odhanayaa jacaylku waa arrin shakhsi ah.. marka dhan laga eegana anigu dhinaca jacaylka aad baa ugu nasiib badanahay oo saygaygu waa saaxiibka ugu wanaagsan ee aan leeyahay, sannado badan ayaa aanu soo wada noolay…”

Hilary oo bilowgii isbarashadooda uu Bill Clinton jacaylkeeda dartii magaciisa illaaway, ayaa maanta u dhow in ay iska furto:

Waxa ay ahayd xilli ay labadooduba ku jireen rugta kutubta ee jaamacadda ay wada dhiganayeen, Hilary oo ku mashquulsanayd mid ka mid ah khaanadaha buugaagtu ku rasaynaayeen ayaa waxaa daba taagnaa wiil joog ahaan iyo muuqaal ahaanba aad u qurux badan oo eegaya. Si kedis ah ayaa ay indhaha ugu dhufatay wiilkan iyada ku soo maqan ee sida aan libiqsiga lahayn ugu dhaygagay. Inta ay soo dhaqaaqday ayaa ay halkiisii ugu timid oo ay weydiisay, “Mar haddaad sidaa igu dheygagayso, maxaa diidaya in aynu is baranaba” Sida uu Clinton afkiisa ka qirtay, naxdin ayaa uu isku dhex yaacay, oo xitaa uu magaciisa uu illaaway, “Markaas magacaygiii xitaa waan illaaway” ayaa uu yidhi.

Sidaas ayaa ay ku bilaabatay qisada jacayl ee Hilary iyo Bill Clinton.

Bilowgii dhammaadka jacaylka:

Wargeyska Christian Times ee dalka dalka Maraykaka ka soo baxa ayaa maalintii dorraad faafiyey war cusub oo uu ku sheegayo in Hilary Clinton ay maxkamadda u gudbisay dacwad ay ku dalbanayso in laga furo odaygeeda Bill Clinton. Warkan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa intaas ku daray in Bill Clinton iyo afadiisa Hillary ay haatan si buuxda uga heshiiyeen qaysashada hantidooda iyo in ay si fiican u kala tagaan. Lammaanahan oo is guursaday sannadkii 1975kii isuna dhalay gabadh keliya oo lagu magacaabo Chelsea da’deedua hadda tahay 36 jir, ayaa aan la garanayn sababta shiikhisay jacaylkoodii awoodda badnaa ee muddada dheer soo jiray, iyo xidhiidhkoodii xitaa fadeexadihii sumal-xadka ee Clinton xilligii madaxweynaha uu ahaa ku go’i waayey. In kasta oo aanay Hillary iyo Bil midkoodna si rasmi ah arrintan uga hadlin, illaa shalay waxaa soo baxayey warar ka soo baxaya dhinacooda oo warkan beeninaya.