Filimkii Ugu Daawashada Badnaa Dunida Muslimka Oo 5 Sano Kaddib Dhammaaday Iyo Qaybaha Dambe Ee La Filayo

0
1443

Hargeysa (Geeska)- Qaybtii u dambaysay ee taxanihii magaciisa Afrika carabigu ahaa ‘Qiyaamatu Ardoqral” ayaa si xiise leh meelo badan oo dunida ka mid ah looga daawaday arbacadii 29 May oo uu ka baxay kanaalka koowaad ee Talefishanka dawladda Turkiga ee TRT. Waxa uu ku soo xidhmay dhacdo dareen gaar ah ku abuurtay dadkii muddada shanta sano ah ku soo xidhnaa daawashada taxanahan, waxa aanu noqday mawduuca ugu badan ee ay maalmihii u dambeeyey ay dadkaasi baraha bulshada ku wadaagayeen.

Waxa uu ku soo xidhmay suuradda ugu horreysa Qur’aanka Kariimka ah ee ‘Faataxada’ oo uu qof aan magaciisa la sheegin uu cod aad u macaan ku akhriyayo, iyo muuqaalka Jilaaga Filimka ‘Ardoqral’ iyo kooxdii saaxiibbadii ahayd ay isu diyaarinayaan qorsheyaal cusub iyo hawlgallo ay ka mid tahay midaynta dunida islaamka, oo inta laga badbaadiyo kala qaybsanaanta la raro geeddi mustaqbal ifaya gaadhsiiya.

Qaybta shanaad waxa ay soo afmeertay taxanahan oo ku dhammaaday Ardoqral oo ka takhalusay cadawgiisii Tataarka (Mangooliyiinta), oo uu dilay hoggaamiyihii caanka ahaa Araak Booka, iyo basaaskii khiyaameeyey hoggaamiyihii Mangooliyiinta ee Muslimka ahaa Barqihaan, taas oo horseeday in uu is faham ka dhex dhasho hoggaamiyahan iyo Ardoqrol.

Cutubka Shanaad ee taxanahan oo ka koobnaa 150 qaybood, ayaa soo gabagabaynayaa halgan dheer oo uu jilaaga Ardoqrol u soo galay in uu dhul u helo dadka Turkida iyo in uu dhiso dawlad la xulafo ah dawladihii Muslimiinta ee xilligaa jiray oo dagaallo adag u gasha in ay dadka Turkidu helaan dhul ay leeyihiin oo ay iyagu xukunkiisa gacanta ku haystaan. Waxaana la filayaa qisada qaybteeda kale oo ah taxane kale oo uu jilaageedu noqon doono Cusmaan oo ah wiilka uu dhalay Ardoqral, ahna hoggaamiyihi dhisay dawladdii Cusmaaniyiinta oo muddo dheer ka talinaysay dunida muslimka iyo meelo badan oo adduunka kale ka mid ah oo ay ku fidday.

Filimkan oo afkiisa asalka ahi uu yahay Turki waxaa loo turjumay afaf uu ka mid yahay afka Ingiriisiga iyo Afcarabiga, taas oo ka dhigtay filim caalami ah oo dadka daawaday ay illaa hadda tiradoodu marayso Saddex Bilyan oo qof oo dunida daafaheeda kala jooga, taas o macnaheedu yahay in tirada dadka daawaday ay ka badan yihiin tirada muslimiinta dunida.

Filimka ‘Qiyaamatu Ardoqrool’ qisadiisu waxa ay ku aroortaa qarnigii 13-naad ee Miilaadiga, waxa aanu soo bandhigayaa taariikhda halyeeyga Ardoqrool oo uu dhalay Sulaymaan Shaah oo ahaa hoggaamiye dhaqameedka qabiilka Qaay, oo ay ka soo jeedaan Turkidii muslimiinta ahayd ee deegaannada badhtamaha Aasiya.  Ardoqrool waxa uu dhalay Cusmaan kii koowaad ee aasaasay dawladdii Cusmaaniyiinta oo noolaa intii u dhexeysay 1258 dii illaa 1326 kii Miilaadiga.

Jilaaga qaatay kaalinta Ardoqrool waa Inqiin Altaan Dawzyataan oo shanti sano ee uu filimku socday soo bandhigay xirfad daawadeyaasha aad u jeclaysiisay filimka iyo taariikhda uu ka warramayaba. Qaybta dambe ee Filimka waxaa kaalinta Cusmaan jili doona jilaaga Bawraaq Aws-jiifat oo isagana sida uu kaalintaas u buuxiyo la wada dhawrayo shanta sano ee dambe ee ay qaybtaasina socon doonto.

Ugu dambayntii waxaa xusid mudan in filimka Ardoqrool uu suuqa filimada ka soo hooyey guul aad u weyn oo aanu jirin filim gaadhay tobankii sano ee ugu dambeeyey. Xiisa uu dadka geliyey waxa uu sababay in laga sii daayo talefishannada rasmiga ah ee 156 talefishan oo ah warbaahinta rasmiga ah ee dawlado leeyihiin, waxaa intaas dheer talefishannada gaarka loo leeyahay oo tiro intan aad uga badan ku soo gudbiyey. Sida ay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadool ku warramaysana filimku waxa uu soo saaray dakhli dhan 350 Milyan oo doolar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here