Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Saraakiishii Ciidanka Qaranka Ee Puntland U Goostay Ugu Hanjabtay Maxkamad Milatari

0
942

Hargeysa(Geeska)-Xukuumada Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay maxkamad saari doonto saraakiisha u goostay dhanka maamulka Puntland, waxaanay ku eedaysay inay yihiin qaran dumis.

Sarakiil ciidan oo ka tirsanaa ciidanka qaranka oo ku sugnaa deegaanka Sanaag-bari ayaa u goostay dhinaca Puntland, waxaanay xukuumadda Somaliland ku eedeeyeen inay doonayso inay weerar ku qaado deegaanka Badhan.

Cabdiqani Maxamuud Caagteeye( Fariid), wasiirka gaashandhiga ayaa sida oo kale sheegay In aanay waxba ka jirin in Badhan dagaal lagu qaadayo, ayaa wuxuu ku hanjabay in sharciga la marin doono saraakiishaas, waxaanu Wasiirka oo u waramay Weriye Faysal Fifa oo ka tirsan Somali cable TV, wuxuu ugu horayn yidhi “ Ciidamada  JSL ayay ka mid ahaayeen waxaanan halkan fariin uga dirayaa ciidamadii ka goostay JSL inay noqdeen niman ka soo horjeestay dawladoodii oo dawlad dumis ay noqdeen laguna maxkamadaynaayo oo aanu dacwadoodii u gudbinayno maxkamada darajada koowaad ee gobalada bari,waad aragtay inuu barina halkan galo ayuu hadana maalinta danbe halkan imanayaa maalinta uu yimaado ayaa waxii xukun ah ee halkaas ka soo baxa lagula dhaqmi doonaa.”

Wasiirka ayaa la waydiiyay inay Badhan weerar u qorshaynaayeen“ Badhan maxaa loo weerarayaa Somaliland ayay ka mid tahay  in amnigeeda la sugo mooyaane ciidankuna meel walba waa uu joogaa oo Hargeysaba waa uu joogaa, Dhul kasta oo ay Somaliland leedahayna ciidanku waa uu tegayaa ama ciidan qaran ha ahaado ama asluubta,ciidanka bada ama booliskaba dhamaan ciidanka kala duwan meel  ka xaaraan ah ciidanka Somaliland ma jiraan,”

Waxa uu wasiirku sheegay go’aanka ay qaateen ka xukuumad ahaan“ Cid danbe oo mar danbe iska soo gali doonta ma jirto waayo waa nin qaran dumis ah, nimankani darajo madaxweyne ayay ku fadhiyaan oo nin gaashaanle dhexe ah oo shan jeer digreeto madaxweyne ah garbihiisana waxa saarnaa karaamadii Somaliland laakiin waa uu dumiyay laakiin waxa lagula xisaabtamayaa waxa uu sharcigu ka qabo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here