Fikirka Badani Waxa Uu Keenaa Cimri Degdeg Iyo Xaalado Caafimaad Darro Oo Dhimasho Sababi Kara

0
1026

Riyaad (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan ka soo baxday kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Harvard ayaa daahfurtay in fikirka badani uu qofka ku keeno xaalado abuuri kara cimri degdeg.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa tijaabo iyo baadhis ku sameeyey nudaha maskaxda dad ku geeriyooday da’da u dhexeysa 60 illaa 70 sano jir, kaddibna waxa ay barbar dhigeen natiijada ka soo baxday cilmibaadhis ay ku sameeyeen nudaha dad kale oo iyaguna noolaa boqol sano. Waxaana u soo baxday in dadka da’da yar ku dhintay ay ahaayeen dadka ay jidhkooda ku yartahay barootiinta ‘REST’ oo muhiimaddeedu ay tahay in ay dejiso shaqada badan ee maskaxda.

Wargeyska Alcukaas ee ka soo baxa dalka Sucuudiga oo natiijada daraasaddan faafiyey ayaa cilmibaadhayaasha ka soo xigtay in fikirka badani uu maskaxda ku keeno daal, sababna u noqdo in uu yaraado barootiinta aynu soo xusnay.

Natiijada daraasada ayaa ay xeeldheereyaashu ku ogaadeen in barootiinta ‘REST’ uu sabab u noqdo ama ugu yaraan uu caawiyo ka hortagga xanuunka Alzheimer ee dila unugyada maskaxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here