Ruushka Oo Bilaabay In Uu Facebook U Adeegsado Faragelinta Doorashada Soo Socota Ee Maraykanka

0
863

Washington (Geeska)- Shabakadda Facebook ayaa Isniintii 21 -ka Oktoobar ku dhawaaqday in akoonno shabakadda Instagram ka ah oo laga maamulayo dalka Ruushku ay muwaadiniinta Maraykanka u soo dirayaan farriimo khilaaf abuuraya oo la xidhiidha doorashada madaxtinimada Maraykanka ee sannadka dambe qabsoomaysa. Shirkaddu waxa ay sheegtay in dadka akoonnadaas been abuurka ah isticmaalayaa ayaa iska dhigayaan in ay Maraykanka gudihiisa joogaan.

Shabakadda Facebook waxa ay sheegtay in ay joojisay akoonnadaas iyo saddex shabakadood oo kale oo iyagana laga soo maamulayo dalka Iiraan, kuwaas oo la doonayo in lagu Khalkhal geliyo doorashada.

Facebook waxa ay sheegtay, dabagal lagu sameeyey shabakadda laga maamulayo Ruushka, in lagu ogaaday xidhiidh ka dhexeeya dadka shabakaddaas isitcmaalaya iyo wakaaladda cilmibaadhista Internet ka ee daka Maraykanka oo magaceeda loo soo gaabiyo IRA.

Shabakadda IRA ayaa uu Maraykanku hore ugu eedeeyey in Ruushku u adeegsaday faragelinta doorashooyinkii Maraykanka ee sannadkii 2016 kii.

Madaxa siyaasadda amniga Elektarooniga ah ee Facebook oo lagu magacaabo Nathaniel Gleicher, ayaa sheegay in hawlgalka Facebook la marinayo ee hadda la ogaaday in Ruushka laga maamulo, ay ujeedadiisa ugu weyni tahay in saamayn lagu yeesho rayul caamka guud ee Maraykanka, isla markaana dooda jira lagu soo kordhiyo qadiyadaha siyaasadeed ee caqabadda keenaya, mararka qaarkoodna Maraykanka gudihiisa ka abuuri kara khilaafka.

Masuuliyiinta ammaanka ee Maraykanka ayaa iyaguna ka digay in Ruushka, Iiraan iyo dawlado kale laga yaabo in ay isku dayaan sidii ay saamayn iyo raad ugu yeelan kari lahaayeen natiijada doorashada madaxtinimada ee sannadka soo socda qabsoomi doonta. Masuuliyiintan Maraykanka ahi waxa ay sheegeen in dalka Maraykanku uu galay xaalad feejignaan dheeraad ah iyo heegan ay sababtiisu tahay xog la helay oo sheegaysa calaamado muujinaya in ay jiraan ololeyaal ay dhinacyo ajaanib ah oo iyagoo adeegsanaya baraha bulshada doonaya in ay faragelin ku sameeyaan doorashada. Inkasta oo dalalka Ruushka iyo Iiraan ay beeniyeen in ay beeniyeen faragelintaas.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here