Dal Soo Saaray Sharci Arday Kasta Oo Qalinjebinaya Ku Waajibinaya In Uu 10 Geed Beero

0
713

Manila (Geeska)- Baarlamaanka dalka Filibiin ayaa soo saaray sharci dhigaya in dhammaan ardayda ka qalin jebinaysa, dugsiyada hoose, dugsiyada sare, kulliyadaha iyo jaamacadaha inta aanay qalinjebin ay waajib ku tahay in ay beeraan dhir.

Sida uu ku warramay talefishanka CNN ee dalka Maraykanku, sharcigani waxa uu dhigayaa in arday kasta ay waajib ku tahay in uu beero ugu yaraan 10 geed. Dhirtaas oo laga beerayo, dhulka keymaha ah, xeebaha, dhulka kaydka dhirta ee qaranka, baadiyaha, dhulka macdanta laga baadho, magaalooyinka iyo meel kasta oo ka mid ah dalka Filibiin. Laakiin shardiga uu sharcigani ku xidhayaa ay tahay in la hubiyo in geedku uu ku habboon yahay cimilada iyo deegaanka meesha laga beeray. Isaga oo si gaar ahna ugu talinaya in dhirta la beerayaa ay noqoto dhirta isirka ku leh deegaanka dalkaas.

Waajibaadka dhir beerista ee uu dhigayo xeerkani waxaa lagu sababeeyey in lagu horumarinayo ilaalinta deegaanka iyo in ardayga la barayo in uu guto xilka qof kasta ka saaran in uu dhaxal uga tago jiilalka ka dambeeya. Iyo sida oo kale in dhalinyarada lagu tababaro sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen kor u qaadista caafimaadka guud.

Xeerkan ku dhaqankiisa ayaa lagu wadaa in uu sababi doono in dalka Filibiin sannad kasta laga beero ugu yaraan 175 milyan oo dhir cusub ah, taas oo marka la xisaabiyo u dhigmaysa in jiil kasta oo dalkaas soo maraa uu beerayo dhir ay tiradoodu ka badan tahay 525 Bilyan oo geed.

Xeerkani waxa uu dhigayaa in wasaaradda waxbarashada ee dalku ay ka masuul tahay dhaqan gelinta sharcigan cusub, isaga oo dhinaca kalana hay’adaha dawladda ee deegaanka iyo beeraha faraya in ay diyaariyaan goobihii abqaalka iyo siidhka dhirta cusub laga heli lahaa, iyo in ay diyaariyaan xeeldheereyaal ardayda kala taliya geed kastaa deegaanka iyo cimilada uu ku fiican yahay, waxa kale oo wasaaradda beeraha iyo deegaanka laga rabaa in ay dabagal iyo kormeer ku samayso caafimaadka iyo daryeelka dhirta ay ardaydu beerto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here