Axmed–yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Oo Sheegay Inuu Xataa Kursigiisa U Sadqaynayo Raadinta Saamiga Wakiilada Ee Reer Awdal

0
1084

Boorama(Geeska)- Guddomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Axmed-ayaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa shaaciyay in reer Boorama iyo shaqsi ahaanba ay saami qaybsiga golaha wakiilada ka taagan yihiin halkay hore uga taagnaayeen haddii uu xilkiisa ku waayayo.

Waxa uu sheegay in reer Awdal ay Somaliland ku leeyihiin codka diimada qayaxan (Veto) ah isla markaasna cabashadooda saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada aan hoos loo eegi karin ama aan indhaha laga la’lin karin, masuulkan ayaa ku faanay in aanu kursigiisa eegayn ee uu u dagaalami doono xaqa ay leeyihiin dadka reer Awdal, waxaanu sidan ka sheegay carwada buugta oo Boorama lagu qabtay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay isga oo arimahan ka hadlaayay   ” Muwaadin kasta oo reer Somaliland ah waxa uu xaq u leeyahay In uu wax doorto lana doorto waa xuquuqda aas aasiga ah, anagayagan meesha fadhiya ayaa u baahan ilmaadeerayaal in nalaga soo gaadho ileen waan ku muddo dhaafnay oo dhaafnay oo dhaafnaye in xal la helo waanu u baahanahay, waayo khibrad ahaan iima wanaagsana inaan fiil kaliyaata fadhiyo dhawr iyo toban sanadood wax ka badan, khibrada aad doonayso inaad nolol umadeed wax kaga badashaa waxay u baahantahay inaad meelo badan wax ka soo qabatay,  markaas anagay noo tahay farj in doorasho la qabto midhkaas waan calaamadinayaa. Waxa se meesha taala doorasho sidee loo qabanayaa, su’aashaas ayaa u baahan in laga joogo waa mid ka mid ah caqabadaha inaga hortaagan doorashada tii saddexda xisbi ay ku heshiiyeen maalintii dhawayd oo komishanka sanad iyo siyaado ayaa lagu murmaayay, waa mid ka mid ah in saami qaybsiigii si xalaal  ah loo helo, waa mid ka mid ah in dhaqaalihii la helo, taas la xaliyay marka laga yimaado caqabadii mudada soo jirtay ee xalka u baahnayd ee markii doorashooyinka la qabtay 2005-tiina lagaga gudbay maanta oo kaliyaata waxii ka danbeeya se tirakoob ayaa dalka laga qabanayaa  mawqifka aan qabo shaqsiyan waa ka aan hore u qabay ismana badalaayo, waxayse u baahan tahay marka qof mawqif qaato oo uu meel istaago qof kalena mowqif kale qaato oo uu meel istaago waa in laga wadahadlaa.”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi     “ madaxweynii uu madaxweynaha maanta jira ka horeeyay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo qoraal ayuu sameeyay inay xal ka soo gaadhaan bal sida loo qaybsanaayo kuraasta baarlamaanka way ka soo gaadhi waayeen anigu waxaan ka mid ahaa xubnihii xisbiga Kulmiye ka socday ee madashaas iyo gogashaas ay Akadamiyada iyo Horumarka Somaliland qabtay  waanu soo saari waynay xal xisbiyadii Ucid,Waddani iyo Kulmiye ku heshiiyaan qaacido wax lagu qaybsado madaxweynaha ayaanu u gudbinay oo aanu nidhi qaybin kari waynaye adigu madaxweyne qaybi, Siilaanyo waxa uu yidhi haddii musharaxiintii ka baqdeen inay cod ku waayaan inay wax qaybiyaan qayb cidi ka dudo aniguna taariikh xumo ku gali maayo garna waa uu u yeeshay, qoraal ayuu sameeyay maanta la heli karaayo waxaanu madaxweynuhu ka markhaati kacay in aan maanta sida loo fadhiyo doorasho lagu gali karin  oo aanay cadaalad ahayn waxa dadka deeqaana waa cadaalad. Hadaan lays yeel yeelin walaalayaal farsamo ay wax ku suurto galaan cadaaladna loogu dhawaado lama waayayo“

Axmed-ayaasiin Sheekh Cali Ayaanle,  oo sii hadlaayay waxa uu yidhi“ Gobalka Awdal waxa uu ka mid yahay meelaha aadka uga hadlaaya kuraasta saamiqaybsiga kuraasta golaha wakiilada, gobalka Awdal waxa uu ka mid yahay gobalada ugu xooga badan ugu dhaqaalaha badan uguna dadka badan JSL suurtogalmaaha in wax aanay raali ka ahayn inuu Somaliland  ka hirgalo, ma tihidin dad loo joojin maayo la yidhaahdo oo layska qabsado waxii la qabsanaayo. Ha ku calaacalina cid kale ha u qaadanina inay wax idin jiidayaan haw qaadanina inaad marti uga tihiin meel kale waxa aad doonaysaan, waxaad ku gorgortamaysaan halka alle idin dhigay muhiimada aad qarankan u leedihiin sharafta aad ka mudan tihiin, in hoos u eeg loo eego waxii mudada dheer taagnaa, hadaan go’aanka loogu badheedhin calool adayg, kursiga halagu waayo had iyo jeer waxa cadaalada meel daran ka tuura u habrashada kursi qof ku fadhiyo oo uu ka ilaalinaayo waxbaa dhaawici.   “

Waxa uu hadalkiisa ku soo xidhayxildhibaan Axmed-ayaasiin Sheekh Cali Ayaanle, “  Waxaan jeclahay inaan halkan ka balan qaado ama aan kuba faano kursi jacayl badani ima hayo oo tarbiyad suufiya ah ayaan qabaa oo kuma ababsani inaan kursiga jecelahay, markii xildhibaanka lay dooranaayayna waaban yaabay markii la yidhi adiga ayaa xildhibaan laguu dooranayaa,tan maanta aan fadhiyo ee guddoomiye ku xigeenka golaha wakiiladana waxbaan gurigayga ku akhrisanaayay markii xildhibaanadu iila yimaadeen waxaana soo jeediyay waar dawladan imika joogtana ismaba neef ogoline aan mudane kale u caleemo saarno mar haddii la yidhi reer awdal ayaa kursigaas la siinayaa, waa uu isoo doontay ee ma doonan anigu hadaan ka kacaayana mustaqbalkiina inaan ugu habrado xiise badan maan qabin ayaan idin idhi, haddii madaxdeenii hore lagu xaman jiray waxay eegeen kurisiga oo meelbaa laynagu dhaawacay ma filaayo inay iga suurto galayso hadaan saacadaha soo socdo dhaafayo waxaad xaq u leedihiin oo mustaqbalkiina ah..”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here