Dumarka Uurka Leh Oo Looga Digay In Ay Dhabarka U Seexdaan Iyo Khatarta Ka Dhalan Karta Oo La sheegay

0
783

London (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in dumarkauurka lihi ay yarayn karaan khatarta ah in ilmuhu ka soo dhaco, haddii ay dhinac u seexdaan, kana feejignaadaan u seexashada dhabarka.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Huddersfield ee dalka Ingiriiska ayaa cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey Joornaalka E-Clinical Medicine tijaabooyin ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in hooyada dhabarka u seexata marka uu uurkeedu gaadho toddobaadka 28-naad, ay qiyaas boqolkiiba 50 ka badan ay laban-laabanto khatarta ah in ilmuhu soo dhaco, marka la barbardhigo hooyooyinka dhinac u seexda.

Hay’adda adeegga caafimaadka ee qaranka oo ka mid ah dawladda Ingiriiska ayaa natiijada cilmibaadhistan waxa ay ku dartay talooyinka ay aaminsan tahay in haddii hooyadu ay ku dhaqanto ay boqolkiiba 50 dhimayso cabsida laga qabi lahaa in ilmaha uurka ku jiraa uu hdinto. Taas oo ah talo ay xaruntani si joogto ah u siiso hooyooyinka uurka leh.

Dr. Tomasina Istaasi oo hoggaaminayey xeeldheereyaasha daraasadda sameeyey ayaa sheegtay in cidhiidhka ku dhacaya halbawlayaasha dhiigga marka ay hooyada uurka lihi dhabarka u seexato ay sababto in uu khalhhal galo ama hoos u dhaco caabbiga dhiigga gaadhaya wadnaha hooyada, taasina waxa ay yaraynaysaa uu wadnuhu tuurayo ee gaadhi lahaa xubnaha jidhka si guud iyo gaar ahaan makaanka hooyada.

Xeeldheere Tomasina waxa ay sheegtay in sida ugu fiicani ay thaay in hooyada uurka lihi ay dhinac u seexato, waxa aanay si gaar ah ugu talisay dhinaca bixida oo ay sheegtay in u jiifsashadiisu ay yaraynayso cadaadiska fuulaya xididdada dhiigga.

Dr. Tomasina waxa ay sheegtay in dhinac u seexashada hooyada uurka lihi ay yarayso cago bararka ay marar badan isku arkaan haweenka uurka lihi, sida oo kalana waxa ay wanaajisaa wareegga dhiigga ee uu jidhka oo dhan ku gaadhayo.

Jimciyadda dhakhaatiirta daraaseeya arrimaha uurka iyo xaaladaha caafimaad ee la xidhiidha oo ka jirta dalka Maraykanka ayaa daraasaddan kaddib soo saartay talo iyo digniin caafimaad, oo ay hooyada uurka leh ugu sheegayso in aanay u seexan dhabarka. Gaar ahaan marka uurku uu gaadho toddobaadka 28 naad.

Digniinta jimciyadda ayaa lagu sheegay in dhabar u seexashadu ay sababto in ay yaraato awoodda caabbiga dhiigga ee wadnuhu tuurayo, taasina ay dhaawacayso in dhiiggu uu wada gaadho jidhka oo dabcan ilmaha uurka ku jiraana uu ku sii xidhan yahay maadaama oo uu qaybtiisa ka qaato dhiigga uu tuurayo wadnaha hooyadu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here