Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Qorshe Ka Yeelato Somaliyada Cusub

1
550

 

faysalHargaysa( Geeska )- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Egn.Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga digay halis uu sheegay inay  Somaliland ka soo waajahayso dawladda cusub ee loo dhisayo dalka Somaliya.

 

Faysal Cali Waraabe waxa uu xukuumadda u soo jeediyay in diyaar garaw ay u gasho dawladaas oo aan la garanayn siyaasada ay la iman doonto, waxaanu si cad u sheegay inay tahay mid leh sharci isla markaasna ka baxday kumeelgaadhkii oo awood uleh inay maamusho dhulkii laysku odhan jiray Somaliya oo saxeexeedu ka shaqayn doono.

Waxa uu sidan ku sheegay Faysal Cali Waraabe mar uu shalay khubad ka jeediyay xaflad loo qabtay toddaba musharax oo xisbigooda Ucid isugu soo taagay doorashada deegaanka. Sidoo kale waxa uu Faysal Sheegay in wakhtigan loo baahan yahay in la xoojiyo isku xidhnaanta gudaha Somaliland, lana soo dhaweeyo beelaha Dhulbahante, isla markaasna xukuumadu ay samayso siyaasad cad oo ku wajahan dawladaas cusub ee ka dhalanaysa Somaliya, taas oo ah mid saxeexeedu u shaqayn doono sida dawlad caadiya.

Egn.Faysal Cali waxa uu kamid ahaa xubnahii Somaliland u matalayay wada hadaladii ay la gashay Somaliya, waxaanu digniintiisaas ku bilaabay sidan “ Wiiigan soo socoda dawlad ayaa laga dhisayaa Somaliya, dawladaas Somaliya laga dhisayaa dawladii hore way ka duwan tahay waxay noqonaysaa dawlad iyadu sharcigii leh oo la aaminsanyahay oo waxay goosato lagu dhaqaaqayo, haddii ay tidhaahdo Somaliland halaga soo raro hay’adaha ka shaqeeya waxay ku qasban yahiin inay soo baxaan, hadday yidhaadaan diyaaradahu yaanay tagin waxa ay ku qasban yahiin in aanay tagin, waa dawlad sharci leh oo kumeel gaadh maaha.” Faysal isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi “ Waxyaabaha loo sameeyay dawladan ileen wali waxba isma badalin oo Somaliya waa ay qasantahaye, oo wali waa la haystaa oo dawlad maahee, waxa looga saaray kumeelgaadhka waa laba arimood, midi waxa weeye in dawladaha iyo shirkadaha aduunka ee doonaya inay ka faa’idaystaan khayraadka dawlad la’aanta inay waxay la saxeexdaan( Dawlada cusub ) ay noqoto wax suurto gal ah oo sharciya, oo dawlada kumeelgaadhka ah xaq umalaha sidii kuwii Kiniya ee badda qaadanyaay waa tii la diiday waxay kala saxeexanayeen,Waxaanay doonayaan dawladaas jilicsan in saxexeedu uu sax noqdo.” Faysal Cali isaga oo sheegaya qodabka labaad ee dawladaas loo dhisaayo iyo awooda Puntland ay ku yeelatay wax auu yidhi “ Ta labaadna waxa weeye inay dalkii Somaliya la odhan  jiray inay awood u yeelato oo ay u xukunto, hadaba dawlada halaas ka socota maamulka Garoowe waxa uu ku adkaaday inuu xildhibaanadii beesha Dhulbahante ee Somaliland soo sooco oo uu yidhaado anaga ayay naga tirsanyahiin, waxanay doonayeen inay dawlad ay gacanta ku haystaan oo awoodeeda ay leeyahiin ay soo saaraan, inagu inaga oo dawlada ayaynu kari karaynay inaga oo halkaas joogna in aynu arintaas gacan la galno oo dad aan khatar inagu keeni karin oo cadaw inoo ahayn in aynu ka gaysano-ayay ahayd.Arintaasina waa mid inoo taala hadaynu nahay reer Somaliland, dawlada waxaan leenahay waar yaanay meeshaas inooga samaysmin dawlad inagu cadaw ah, waad ogtahiin oo badhan idaacad ayay Somaliya gaysay, jabhado ayaa inagu jira, waxa jira qaar leh waxaan nahay dawlada gobaleedyo oo ah Somaliland, hadday dawlad ka soo baxdo halkaas kuwaas gacan siinaysaa, waa layna furfuri doonaa, gudaheeniina ma adka, waxaan leenahay dawlada maanta waar gudaheenana hala adkeeyo oo ragaas reer Buuhoodle ee yimina hala soo dhaweeyo.” Isaga oo soo jeedin u diraaya xukuumada, isla markaasna ka digaaya wakhtiga adag ee ku soo fool leh Somaliland Waxa uu yidhi Faysal Cali  “ Dawlada waxaan u soo jeedinaynaa inay la timaado siyaasad lagu fidinaayo maamulka dalka, oo la gaadhsiinayo xuduudaheena oo dhan, waa inay siyaasad la timaadaa ay kula macaamilayso dawladan imika soo socota, waa in siyaasad uu wadankan yeesho maaha in qof ama laba qof waxii caqligooda ka yimaada inaan ku socono, waa inuu qorshe siyaasadeed la sameeyo weeye. Musuqmaasuqan laga soo cabaadayo ee aduunka oo dhan uu sheegayo ee masaajidada laga sheegaayo waa in la dabo galaa, waa in si fiican loo dabogalaa dadka masuuliyiinta ah ee la leeyahay waxay qaadanayaa xoolahii dadka, Somaliland wakhti adag ayaa ku soo socda, wiigaas marka dawladaas la sameeyo, waayo dawladaas siyaasad ay la soo baxi doonto garanmayno, waa In aynu siyaasad ka yeelanaa waxii halkaas ka soo baxa yaan leeyahay.”

Geesta kale, Guddoomiyaha UCID md. Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka Itoobiya iyo dawladda federaalka ee dalkaas ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Raysalwasaare Meles Zenawi oo habeen hore geeriyooday.

Md. Faysal, oo xalay soo saaray qoraal kooban, wuxuu sheegay in Meles Zenawi ahaa saaxiib ay Somaliland iyo dawladaha bariga Afrikaba tabi doonaan, waxaanu dawladda Itoobiya iyo shacabkeeda u rajeeyay inay halkii ka sii wadaan qorshayaashii horumarineed ee uujeexay Raysalwasaare Meles Zenawi, “Tacsi iyo baroor diiq ayaan u dirayaa dawladda iyo shacabka Itoobiyaba.” Ayuu Faysal ku soo koobay qoraalkiisa.

Comments are closed.