Madaxweyne Siilaanyo Oo Dawlada Itoobiya Iyo Dadkeeda Ka Tacsiyeeyay Geerida Meles

0
631

 

silanyoHargeysa(Geeska/AFP)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa ka qeybgalay madaxweynayaasha Afrika ee dhambaalada tacsida u diray dalka Itoobiya oo raysal-wasaarahoodii Meles Zenawi oo doraad geeryooday dhakhtar ku yaalay Brussels, sida wasiirka warfaafinta Itoobiya xaqiijiyey. "Raysal-wasaare Meles Zenawi waxuu geeryooday habeenimadii doraad saqdii dhexe," ayuu yidhi Afhayeenka xukuumada Itoobiya Bereket Simon.

 

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed M. Maxamuud (Siilanyo) oo safaarada Itoobiya ku leedahay Somaliland ku saxeexay buuqa tacsida loogu talogalay geerida Zenawi ayaa ku qoray, “Annigoo ku hadlaya magaca xukuumada Somaliland, waxaan u dirayaa tacsi shacabka iyo xukuumada Itoobiya ku saabsan geerida raysal-wasaarare Meles Zenawi. Annagoo ka xun, keliya geeridaasi naxdin kuma keenin Itoobiya, laakiin guud ahaan gobolka oo dhan. Tacsidayda  balaadhan.”

Ku-xigeenka Safiirka Itoobiya ee Somaliland, Mr. Taye Tesfaye, oo hadal kooban ka jeediyey madashii tacsidaa ayaa sheegay, “Waan ka xunahay geerida Raysal-wasaarahii Itoobiya,  Mudane, Meles Zenawi. Maanta waxaan furnay buugii tacsida, oo Mudane, Madaxweyne Axmed M. Maxamuud Siilanyo, ku qorayo dhanbaalkii tacsidiisa, iyo dhamaan madax kale oo Somaliland si ay u saxeexaan buuqa tacsida. Maamil murugo ayey noo tahay annga (Itoobiya) dhamaanteed, waxaa naga baxay nin weyn, hogaamiye qiimo lahaa, oo keliya aan ku koobnayn Itoobiya, balse dhamaan qaarada Afrika, ahaana hogaamiye caan ka ahaa dhamaan qaarada Afrika, sidoo kalena u ahaa Somaliland iyo Itoobiya labadaba. Waxan rajeynayaa inuu jannada tegi doono.”

Buuga tacsida ee la dhigay safaarada Itoobiya ku leedahay Somaliland, ayaa sidoo kale waxa ka soo qeybgalay ku saxeexadiisa tacsida, marwada maxadweynaha Somaliland, Marwo, Aamina X. Maxamuud Jirde, madax kala duwan oo ka mid ah xukuumada Somaliland, sida wasiirka Madaxtooyada, Mr, Xirsi X. Xasan Cali, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr, Maxamed Cabdillahi Cumar, wasiirka Gaashaandhiga, Mr, Axmed X. Cali Cadami, Taliyaha Booliiska Somaliland, Gen. Cbadillahi Fadal Iimaan, Maayorka Caasimada Hargeysa, Eng. Xuseen maxmuud Jiciir, Xoghayaha D.Hoose, Hargeysa, Mowliid Waris, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo dadweyne fara badan oo isugu jiray qeybhaha bulshada reer Somaliland.

 Ku-xigeenka raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo 47jir ah, ayaa sii qaban doona xilka Raysal-wasaaraha Itoobiya.

"Sida uu qorayo dastuurka Itoobiya, ku-xigeenka Raysal-wasaaraha ayaa hortegaya baarlamaanka si loo dhaariyo, isla markaana xukuumada ayaa diyaarinaysa in sida ugu horeysa baarlamaanku fadhi u yeesho," ayuu Bereket sheegay.

Hailemariam, ayaa ku-xigeenka Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo wasiirka Arrimaha Dibedda ahaa ilaa 2010, isagoo hore u ahaan jiray la-taliyaha arrimaha bulshada raysal-wasaaraha.

Dalka Itoobiya ayaa lagu dhawaaqay baroordiiq, inkastoo weli aan xilli loo qaban maalinta la aasi doono Meles Zenawi, ayuu yidhi Bereket, isagoo raaciyey, "Wax walba sidii caadiga ayey u socdaan".

Raysal-wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa u sheegay BBC in Meles ahaa "Hogaamiye weyn" isagoo raaciyey "Inuu ka shaki qabo xasiloonida Itoobiya geeridiisa daraadeed."

Maxadweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa ku sheegay Meles "Hogaamiye aragti-dheeraa oo macquul ahaa" oo wax ka qabtay dejinta dalkiisa, isla markaana horumar dhaqaale u horseeday, isagoo raaciyey,  in geeridiisu, "Guuldaro weyn tahay".

"Anigoo ku hadlaya magaca xukuumada iyo shacabka Kenya, waxaan u diraynaa tacsi weyn," ayuu ku yidhi Kibaki qoraal, isagoo raaciyey, in hogaamintii Meles iyo tabahiisii wada xaajood, in "Weligeed ka maqnaan doonto gobolka iyo Afrika."

Wasiirka warfaafinta Koonfurta Sudan, Barnaba Marial Benjamin, aya asheegay in Meles ka ciyaaray qeyb weyb nabadii dhexmartay dalkiisa iyo Sudan. "Waxuu ahaa ninka sheegi karayey cadaan iyo madow halka labada dal kala taagnaayeen, ee lagu xudhmaynayey," ayuu Benjamin yidhi.

"Shacabka Koonfurta Sudan wxay u tahay sheeko xun, waxuu ahaa nin adag, oo kleiya aan ku aadanayn xidhiidhkayaga iskaashi ee Itoobiya, laakiin sidoo kale Hogaaminta Midowga Afrika, waxa loo doortay raadinta nabad dhexmarta annaga iyo Sudan," ayuu yidhi.

Wasiiru-dawlaha xidhiidhka gobolka Yugandha, Asuman Kiyingi, ayaa sheegay in dalkiisa ku noqotay "Argagax iyo muruqo" geerida Meles, isagoo raaciyey, inay tahay "Naxdin weyn dhamaan Afrika".

"Waxuu ahaa mishiinkii xalka u raadin jiray mushkilad kastoo ka dhacda Afrika," ayuu Kiyingi u sheegay AFP, isagoo raaciyey, in Meles taageeray sidii ciidamada Afrika dagaal ula geli lahaayeen maleeshiyaadka Shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa ku amaanay Meles inuu ahaa "Hogaamiye adag, kelliya dalkiisa, laakiin dhamaan qaarada Afrika"  gaar ahaan geeska Afrika.

"Gebi ahaanba waa mushkilad ku dhacday Afrika iyo shacabka Itoobiya, inay u murugoodaan hogaamiye noociisa ah, oo qeyb libaax ka soo qaatay xaalado ka taagnaa qaarado kala duwan oo aduunka ka mid ah, gaar haan kuwa midowga Afrika." Ayaa lagu shaagay qoraalka Madaxweyne Zuma.