Zinawi: Hayaankii Guddoomiye Fallaago Illaa Hogaamiye Qaran Oo Miisaan Culus Ku Leh Dunida

0
624

 

malesGeeska (Warbixin) Waxaa maalinnimadii Isniinta dal aan si rasmi ah loo shaacin balse wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriisku ku sheegay Belguim ku geeriyooday Meles Zenawi oo in ka badan labaatan sano hoggaaminayey dalka Itoobiya. Dalka Itoobiya oo sida muuqata caafimaadka masuuliyiinta sare ee dalku uu ka mid yahay sirta Qaranka lagama sheegin cudurka dilay raysalwasaare Zenawi in kasta oo isla wargeyska The Telegraph uu sheegay in uu yaallay cisbitaal jaamacadeed lagu magacaabo Saint Luc  oo si gaar ah uga shaqeeya daaweynta kansarka dhiigga. Sidoo kale waxa uu wargeysku helay xogo sheegaya in uu raysalwasaaruhu cisbitaalkaa yaallay tan iyo bishii June ee ina dhaaftay isaga oo weliba xaaladdiisana ku tilmaamay sakaraad ay adag tahay in uu ka kacaa.

 

Raysalwasaare Meles Zinawi oo la sheegya in sannadkii u dambeeyeyba aaanu caafimaadkiisu fiicnayn ayuu xaalkiisa caafimaad dibadda u soo baxay bishii June markii uu awoodi kari waayey in uu ka soo qayb galo shir madaxeedkii Afrika ee ka dhacayey caasimadda dalkiisa. Wasiirka isgaadhsiinta ee Itoobiya oo isla markaana ah afhayeenka dawladda ayaa markii uu ku dhawaaqayey dhimashada Zenawi waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Raysalwasaaraha oo si fiican u soo raynayey, ayaa si kedis ah mar keliya loogu soo booday, arrintaas oo keentay in si dhaqso ah loola cararo qaybta gurmadka degdegga ah, laakiin dhakhaatiirtu kumay guulaysan in ay wax u qabtaan” si kastaba ha ahaato ee afhayeenku kama uu hadal xanuunka dhab ahaan uu u dhintay Zenawi oo uu ku soo koobahy Caabuq iyo dalka uu ku dhintay oo uu ku soo koobay, “Dalka dibaddiisa”

Taariikh kooban:

Meles Zenawi Asres 8-deedii bishii May 1955 ayuu ku dhashay degmada Adwa oo ka tirsan gobolka Tigray ee woqooyiga dalka Itoobiya, waxaana iska dhalay aabe u dhashay isla degmadan iyo hooyo ka soo jeedda tuulada tuulada Adi Quala ah dalka Eritrea, gaar ahaan deegaanka ku dhow xadka Itoobiya.

Magaca dhabta ah ee Meles Zenawi waxa uu ahaa Legesse, waxa aanu magacan Meles la baxay sannadkii 1975-kii, isaga oo isugu magac daray nin arrimaha maamul wanaagga iyo xuquuqda aadamaha u dhaqdhaqaaqi jiray oo ay dishay dawladdii Shuuciga ahayd, magacan ayuu Meles qaab naanays afgarasho ah u isticmaali jiray, si uu ugu dhuunto marka uu ardayda dhexdeeda ka wado dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah xukuumadda, laakiin aakhirkii waxa uu ka dhigtay magaciisa rasmiga ah, kadib markii uu magacaas isugu diiwaan geliyey shahaadooyinkiisii waxbarasho ee jaamacadda.

Meles Zenawi waxa uu waxbarashada dugsiga ka dhamaystay dugsiga sare ee Janaraal Wingate oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, kadib jaamacadda Addis Ababa oo xilligaa loo yaqaanna jaamacadda Xayla Salaase ayuu ka bilaabay waxbarasho caafimaadka ah oo uu muddo laba sano ah waday, ka hor intii aanu kala jarin sannadkii 1975-kii oo uu dalka ka baxsaday si uu ugu biiro jabhaddii xoraynta shacabka Tigray (TPLF) isaga oo ururkan xubin ka ah ayuu aasaasay farac ururkan ka mid ah oo aaminsan fikirka hanit-wadaagga oo uu illaa xilli dambe uu aad ula dhacsanaa.

Zenawi afar sano markii uu TPLF ku jiray ayaa loo doortay guddoomiyaha guddidda hoggaanka sare ee ururka xilligaas oo ay da’diisu ahayd 24 sano oo keliya, kadib sannadkii 1983-kii ayaa loo doortay hoggaamiyaha fulinta ee ururka, illaa dhimashadiisiina waxa uu guddoomiye u ahaa ururkiisa iyo weliba isbahaysiga EPRDF oo ka koobna ururro badan oo ururkiisu hoggaaminayo, isbahaysigaas oo ah kii kursiga ka tuuray taliskii hore.

Zenewi waxa uu madaxweyne noqday 1991-kii oo da’diisu ahayd 36 jir, markaas oo jabhaddiisii ay kursiga ka tuurtay hoggaamiyihii keli talis ahaa ee dalkaas Mengistu Xayle Mariyam oo dalka iskaga cararay. Laakiin kamuu hadhin waxbarashadii ka kala go’day oo uu dib u bilaabay, sannadkii 1995-kii oo uu raysalwasaare ahaa ayuu shadada Master degree oo cilmiga maaraynta ganacsiga ah ka qaatay jaamacadda Open University oo ku taalla dalka Ingiriiska, bishii July sannadkii 2002-da ayey jaamacadda Hannam oo ku taalla Koonfurta Kuuriya waxa ay ku sharaftay shahaadada sare ee Doctorate oo siyaasadda ah. Sannadkii 2004-tana Meles waxa uu mar kale shahaado Master ah oo dhinaca siyaasadda ah ka qaatay jaamacadda Erasmus oo ku taalla dalka Holland, jaamacadahan oo uu dhammaantood ku dhigtay nidaamak waxbarashada fog loo yaqaanno (Waxbarasho dibadda uu ka qaadanayey isaga oo dalkiisa jooga)

Meles xaaskiisu waa Azeb Mesfin oo hadda ah guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada ee baarlamanka dalkaas waxa aanu ka tegey saddex carruur ah.

Maxay khubaradu ka tidhi:

Dadka u dhuun daloola siyaasadaha Geeska Afrika ayaa aaminsan in maqnaanshiyaha Zenawi ay saamayn muuqata oo dhinacyo badan ku yeelanayso gobolkan aan xasiloonayn ee Geeska Afrika.

Maxamed Taaha Tawakal oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha gobolka Geeska Afrika ayaa mar uu la hadlay Aljazeera waxa uu sheegay in dhimashada Zenawi ay tahay dhacdo weyn oo saamayn badan yeelanaysa, “Waayo waxa uu gacanta ku hayey xalka dhowr qadiyadood oo muhiim ah oo ka jira Geeska Afrika, waxa aanu sidoo kale ahaa safiirka Afrika u metalaya siddeeda dal ee horumaray (G8)” ayuu yidhi Taaha.

Go’aamo adag:

Meles Zenawi oo lagu tilmaamo hoggaamiye awood badan, oo leh hibo hoggaamineed, markii uu laba sano talada dalka Itoobiya hayey waxa uu qaatay go’aan dad badan oo Itoobiyaan ah markii hore ka cadhaysiiyey oo ahaa in uu ogolaaday in Eritrea ay ka go’do dalkiisa, in kasta oo go’itaanka Eritrea uu Itoobiya ka dhigay dal aan bad lahayn, haddana dadka arrimaha siyaasadda ka fallooda qaar badan oo ka mid ah ayaa aaminsan in go’aankaa Zenawi uu qas iyo dagaalo sokeeye oo hor leh ka badbaadiyey Itoobiya. Ink asta oo colaaddii aanay wada dhammaan oo labadii sano ee u dhexeeyey 1998 illaa 2000 Itoobiya iyo Eritrea uu dhex maray dagaal xuduudeed oo aad u qadhaadhaa, kuna naf waayey dad ka badan 80 kun oo labada dhinac ah.

Sidoo kale sannadkii 2006 waxa uu Meles qaatay go’aan mucaaradka dalkiisuna ku waafaqsanaa balse dunida muslimka ka dhaliyey muran badan oo ahaa in uu ciidamadiisa u diro gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Maxkamadihii islaamiga ahaa ee markaa talada dalkii burbursanaa gacanta ku dhigay. Dadka arrimaha siyaasadda u dhuun daloolaa waxa ay sheegayaan in Zenawi uu gelitaanka Soomaaliya taageero xooggan uga haystay dalka Maraykanka, iyo in marka laga tago dhinaca amniga ay ahayd tallaabo u leh faa’ido kale oo ah in uu xoojiyo xidhiidhka uu la lahaa reer galbeedka oo xilligaa aad u liitay, maadaama oo uu isu dhigay in uu qayb ka yahay barnaamijka Maraykanku hormuudka ka ahaa ee argagaxiso la dirirka la magac baxay.

Yaa beddelaya raysalwasaaraha:

Sida uu si dadban u dhigayo dastuurka dalka Itoobiya, marka uu raysalwasaaruhu kursiga banneeyo waxaa buuxinaya raysalwasaare ku xigeenka, taas oo macnaheedu yahay in uu jagadii Zenawi buuxin doono Xayle Mariyam Deselegne oo ahaa raysalwasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda hadda. In kasta oo ay dhibtu tahay dastuurka dalka oo aan waxba ka odhanayn xil-ka-xayuubinta raysalwasaaraha iyo weliba tallaabooyinka loo marayo marka la dooranayo in la buuxiyo jagada uu banneeyey, qodobka keliya ee arrintan ka hadlaya oo ah qodobka 75-naad ee dastuurka Itoobiya, waxa uu sheegaya, “Marka uu raysalwasaaruhu maqan yahay waxaa magaciisa ku shaqaynaya ku xigeenkiisa” laakiin dadka arrimahan gorfayanaya ayaa sheegaya in ay tahay inuu ku-xigeenku ku-meel-gaadh ahaanayo inta uu ogolaanshiyo ka helayo xisbiga talada haya isla markaana uu ansixinayo baarlamanka dalku.

Isku soo duub oo Meles Zenawi oo ahaa hoggaamiye awood badan ku leh siyaasadaha Soomaaliya, Sudan iyo guud ahaanba Afrika, lana amainsan yahay in uu horumar dhaqaale oo aad u ballaadhan gaadhsiiyey dalkiisa, waxa aanu shaki ku jirin in dhimashadiisu ay saamayn badan ka tegi doonto.