Shalay Iyo Socdaalkii Caasimadda Hargeysa Ee Madaxweyne Siilaanyo

0
872

 

siilaanyoHargeysa (Geeska) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay duhurkii salaadii Jimce kala qayb galay boqolaal shacabka caasimada ah masaajidka Tabliiqiyiinta oo ku yaala magaalada Hargeysa dhinaceeda bari. Waxaanu madaxweynuhu ku tagay masaajidkaas si kadis ah. Guud ahaan dadkii ku tukanaayey masaajidka iyo intii kale ee la jaarka ahayd ayaa mar kaliya soo buux dhaafiyey, isla markaana u han qal taagayey aragtida madaxweynaha, ka dib markii ay ka war heleen inuu jamaca shalay masaajidka ku jiray.

Madaxweynaha ayaa markii laga dareeray salaadii jimcaha salaan gacan qaad ah ay ku boobeen dadkii masaajidka ku tukanaayey, kuwaas oo ku soo xoomay alabaabkii uu madaxweynuhu ka baxayay. Isla markaana u sii raacay ilaa halkii uu taagnaa baabuurkii u gaarka ah oo uu ku xidhnaa nambar-ka shicibku. Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xidhnaa khamiis iyo cumaamad, waxaana weheliyay wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayihiisa gaarka ah Md. Cali Axmed Cali iyo taliyaha ciidankada ilaalada madaxtooyada Gen. Faysal Kaamil.

 Dadweynaha masaajidka oo aanu qaar ka mida dareenkooda wax ka waydiinay ayaa sheegay inay haboon tahay talaabada booqashada kadiska ah ee uu madaxweynuhu kolba meel diirada saaraayo. Abshir Cabdiraxmaan oo ka midi ragii xiligaas ku sugnaa masaajidka ayaa yidhi “Madaxweynaha imaanshihiisa walaahi si aad iyo aad ah ayaanu ula dhacnay shacab ahaan, waana sida loo bahan yahay in la sameeyo” “aniga magacaygu waa Axmed Faarax, runtii maanta dareenkagya lama qiyaasi karo mar hadii uu madaxweynihii dalku masaajidka si niyad sami leh oo bilaa war war ah noogula tukaday halkan, waana wax ilaahay looga mahad naqo runtii”

Intaas kadib madaxweynaha oo aanay wehelinayn ciidamada gaashaaman ayaa u soo jeestay xarunta agoomaha ee Hargeysa, waxaanu si kadis ah ugu booqday xaruntaas caruurtii joogtay oo xiligaas ka soo faraxashay qadadii halkaas loogu sameeyey. Maamulka xarunta agoomaha ayaan goobta sii joogan maadama oo ay booqashada madaxweynuhu ahayd mid kadis ah. Caruurta xiligaas ku sugnayd xarunta ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyey sacab iyo eryo ay ka mid ahaayeen “Madaxweyne Siilaanyo, soo dhawoow” Madaxweynaha ayaa xarunta agoomaha kula sheekaystay caruur yar yar, waxaanu halkaas ugu qaybiyey nac nac. Md Siilaanyo ayaa mid mid u soo dhex maray hoolalka ay caruurta aadka u da’da yari jiifaan, iyada oo lagu war galiyey in qaar ka mida habeen hore la keenay, kuwaas oo aad uga yar da’da halka sano, isla markaana badan koodu ay ku jireen xool-ka caruurta yar yar.

Madaxweynaha ayaa dareen fiican kaga soo laabtay xarunta agoomaha ee Hargeysa, hase ahaatee intii aanu xaruntaas ka bixin waxa uu wargayska Geeska Afrika waydiiyey dareenkiisa booqashada maasaajidka iyo xarunta agoomaha, waxaanu noogu jawaabay “ Booqashada in aan halkan (Xarunta Agoomaha) ku imaado waan ku faraxsanahay. Waxaanan ku arkay in caruurta si wanaagsan loo ilaalinaayo oo si wacan gacanta loogu hayo, runtii aad ayaan ugu farxay sida looga shaqeeyo ee ay mabsuudka u yihiin. Dadkana waxaan leenahay jimce iyo ciid wanaagsan”

Hooyo ka mida hooyooyinkii ku sugnaa xarunta agoomaha ayaa madaxweynaha kadib markii ay salaantay ku qaabishay eray ah “Markii xilka aad qabatay ayaa aragaaga noogu danbaysay” madaxweynaha ayaa dhoola cadayn iyo salaan ugu jawaabay hooyadaas.

Madaxweynaha waxaa wajigiisa ka muuqday markii uu ka soo baxay xarunta agoomaha dhoola cadayn,  Maaha markii koowaad ee sidan oo kale madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) booqasho ugu tago qaybo ka tirsan degmooyinka caasimada Hargeysa, waxaase jiray booqash habeen ahayd oo uu madaxweynuhu ku soo maaray xaafada Xero Awr ee magaalada Hargeysa.