Faysal Cali Waraabe Oo Cambaareeyay Daraasadii Uu Machadka IRI Soo Bandhigay

0
829

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan wada shaqayntii ay la lahaayeen hay’adda IRI, gaar ahaan xafiiskeeda Hargeysa.

Md. Faysal, oo shalay saxaafadda u waramay, wuxuu daraasad ay hay’adda IRI dhawaan sheegtay inay samaysay ku tilmaamay mid ay carruur iyo cid dan gaar ah lihi samaysay oo aan lagu salayn mabaadiida u yaala machadka IRI oo ah mid caalami ah, waxaanu xafiiska Hargeysa ee machadkaas ku eedeeyay inuu dhex galay tartanka u dhexeeya bulshada iyo qabaa’ilaadka Somaliland. “Waxaanu ku ogayn IRI in meelaha ay ka hawlgalayaan tahay taageerada hanaan socodka Dimuqraadiyadda, waxaanu isku ogayn inay Dimuqraadiyada gacan ka gaystaan sidii Somaliland ugu waari lahayd, laaakiin annagu kumaanu ogayn shaqada kale ee ay galeen ee ah cilmi baadhista, waxaanu markaas u aragnaa inay rrintaasi tahay mid xidhiidhka xumanaysa, cilmi baadhista ay sameeyeen awood uma leh, aqoon uma leh dadka waxaas sameeyay,  waxaanan u aragnaa inay ahaayeen dad la isticmaalayay oo dad gaar ah u shaqaynaysay ee may ahayn mid cilmi ku salaysan ee waxay ahayd daraasad dan gaara laga leeyahay oo haddii ay iyagu islaahaayeen meelaha qaarkood saani u baadha waxa la dhex geliyay dad dan leh oo ajandahooda ku darsaday, waxaanan leenahay IRI haddii ay arintu sidaas noqotay wada shaqayntii UCID iyo IRI ma sii wadi karno mar haddii ay ku milmeen siyaasadii iyo tartankii beelaha iyo murankii.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas raaciyay “Waxaanan ka xumahay in  magaca IRI la isticmaalo oo magaca laga dilo, waayo waa hay’ad Maraykan ah,  IRI waxan may soo saarin ee ciyaal ayaa soo saaray ayaan filayaa.”

Daraasada ay hay’adda IRI sheegtay inay soo samaysay ayaa waxa ay ku soo jeedisay dareenka bulshada badankeeda oo u aragtay inay xaqiiqada ka fogtahay, waxaana meelaha sida gaarka ah ay ishu ugu dhacayso ka mid ah inay dhex gashay arrimaha qabaa’ilaadka Somaliland oo dalka gudihiisa ka ah mawduuc xaasaasi ah.