Golaha Wakiilada Oo Shalay Dood Adag Ka Yeeshay Xeerka Baananka

0
889

 

Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa fadhigoodii shalay dood adag ka yeeshay xeerka baanka dhexe oo golahaasi ay hore ugu soo gudbiyeen gudiga dhaqaalaha ee golahaasi.

Ugu horayn gudoomiyaha gudiga dhaqaalah ee golahaasi md: Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi ayaa golaha ka hor akhriyey sidii ay ku soo diyaariyeen xeerkan isaga oo sheegay inay la kaashadeen dhamaan hayadaha xidhiidhka la leh baananka sida Xawaaladaha, sariflayaasha,culimada iyo garyaqaano aqoon u leh nidaamka baananka.

Xeerkan ay golaha wakiiladu ka doodayeen ayaan wali laysku waafaqin in la sii wado doodiisa iyo in kale maadaama oo mudanayaashii shalay fikirkooda ka dhiibtay Xeerkan oo tiradoodu dhamayd sagaal xildhibaan ay todoba ka mida xildhibaanadaasi soo jeediyeen in xeerkan dib loogu celiyo gudiga dhaqaalaha ee golahaasi iyaga oo ku sababeeyey inaanu xeerkani waafaqsanayn nidaamka islaamka oo uu banaynayo ribada baanka dhexe, sidaas daraadeed aan loo baahnayn in laga doodo, halka ay laba xildhibaana soo jeediyeen in la furo dooda xeerka iyaga oo ku doodayey in xeerkani dhamaystiran yahay oo aan loo baahnayn in dib loogu celiyo gudiga dhaqaalaha ee golahaasi,.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada, ayaa ugu dambayn mudanayaasha ku wargeliyay in xeerkan go’aan laga gaadhi doono Arbacada beri haddii Alle idmo.