Wasaarada Khaarajiga Oo Ka Hadashay Ciidamo La Sheegay Inay Dalka Soo Galeen

0
899

 

landHargeysa(Geeska)-Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa beenisay inaanay jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha degmada Allay baday ee Somaliland.

Dhawaan waxa soo baxay warar sheegayay inay ciidamo Itoobiyaan ahi gudaha u soo galeen degmada Allay Baday ee gobalka Gabilay. Warsaxaafadeed ay wasaarada khaarajigu xalay soo saartay ayaa sidan u qornaa “Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland waxay cadaynaysaa in aanay jirin Ciidam Militari ah oo ka tirsan Ethiopia oo ka soo talaabay xadka u dhexeeya labada dal oo soo galay dhanka Somaliland arintan oo dhawaan lagu daabacay qaar ka mid ah Saxaafada.

Waxay dawlada Ethiopia ku wargalisay Xukuumada Somaliland in dhawr xubnood oo ka tirsan Booliska Maamul goboleedka Soomaalida ee Ethiopia oo daba-jooga dad lagu tuhunsanaa fal-dambiyeed ay u soo talaabeen dhinaca Somaliland. Arintanna ay labada dal ka wada hadleen.

Somaliland iyo Ethiopia waxaa ka dhexeeya xidhiidh qoto-dheer oo ku salaysan Jaar-wanaag, iskaashi iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh. Labada geesood waxay leeyihiin heshiis Nabadgalyo, Ganacsi iyo Socdaal.”