Fashilaadda Xidhiidhka Jacaylka Khatarta Caafimaad Ee Ka Dhalataa Ragga Ayaa Ay Kaga Badan Tahay Dumarka

0
1597

Berlin (Geeska)- Daraasad cilmiya oo cusub ayaa daah-furtay in qalbi jabka ka dhasha mashaakilaadka nafsiga ah iyo dhibaatada ku timaada shucuurta qofka ee dhinaca jacaylku ay raad taban oo weyn ku leeyihiin caafimaadka guud ahaan jidhka qofka. Daraasaddan oo ay sameeyeen khubaro sare oo ka tirsan jaamacadda Tübingen oo ku taalla dalka Jarmalku waxa ay xustay in mushkiladaha caafimaad ee uu qofku la kulmo haddii uu waayo qof uu jecel yahay aanay ahayn kuwo ku kooban wadnaha oo isaga hore loogu ogaa, balse ay dheer yihiin dhibaatooyin caafimaad oo ku yimaadda jidhka kale oo dhan.

Dhinaca kalana waxa ay daraasaddu sheegtay in halista caafimaad ee ka dhalata jacaylka oo fashilmaa ay dumarka kaga badan tahay ragga, sida ay khubaradu daraasaddan ku ogaadeen xanuunka iyo qalbi jabka ka dhasha fashilaadda ku timaadda jacaylku waxa ay si xun u waxyeellaysaa qaybo xassaasi ah oo ka mid ah maskaxda gabadha.