Ciidamada Ammaanka Oo Gabiley Ku Toogtay Maxbuus Isku Dayay Inuu Fakado

0
765

Picture6Gabiley(Geeska)-Ciidamada ammaanka ayaa shalay toogasho ku dilay Marxuum Mukhtaar Xasan Barre (Salool), oo ahaa maxbuus muddo xidhnaa.

Maxbuuska ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu ka baxsado gacanta ciidamada ammaanka oo ka soo celiyay maxkamadda degmada Gabiley oo la horgeeyay, markaas ka dibna ciidamadii ayaa rasaas ku furay taas oo uu u geeriyooday.

Marxuumka ayaa wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeeday degmada Gabiley. Waxaana shalay safar ku tagay magaalada Gabiley dhawr wasiir, xildhibaano iyo odayaal kale, waxaana la filayaa in maanta la aaso marxuumka, Alle haw naxariistee.