Kala Duwanaanshiyaha Is-Fahamka Lammaanaha Ee Guurka Hortii Iyo Dabadii Iyo Talada Ku Habboon

0
1387

Hargeysa (Geeska)- Nolosha qoysnimadu ma’aha safar damaashaad iyo ciyaareed sida ay dad badan la tahay, balse waa geeddi dheer oo ay lammaanuhu isla marayaan nolol barwaaqadeeda iyo baahideedaba leh, sidaa awgeed ruux kasta oo guur-u-meer ah ama xaas lihi waa in uu is weydiiyaa, sidee ugu habboon ee aad ula qabsan kartaa noloshaa cusub?! Waa maxayse sababaha fashilaadda ku keeni kara nolosha qoysnimo?

Laga bilaabo maalinta qoyska dhismihiisu kowsado, lammaanaha mid kastaa waxa uu kan kale kala kulmayaa ama ka baranayaa arrimo badan oo marka hore uu mo’oganaa, waxaana dhici karta in saygu uu afadiisa kaga nixiyo hab-nololeed aanay hore ula soo qabsan. Noloshu waa ay sii socotaa oo ay mararka qaarkood la timaaddaa mushkilado ay ka mid yihiin is-fahmi waa, ama iyada oo midiba kan kale qalad ka fahmo, ixtiraamka u dhexeeya lammaanaha is-qaba oo yaraada iyo arrimo la mid ah oo dhammaantood haddii aan xal dhaqso ah loo helin qoyska burburkiisa lama huraan ka dhiga. Culimada cilmi nafsiguna waxa ay xaqiijinayaan in barbaarinta iyo dabeecadda qoyska uu mid kasta oo lammaanaha ka mid ah ku soo ababay ay saamayn ku leeyihiin is-fahamka iyo xidhiidhka qoysnimo ee ay yeelanayaan, waana sababta keenta in midkood ay u qaadan waa ku noqoto dabeecadda iyo hab-dhaqanka kan kale, waxaana ay taasi sii badan tahay marka lammaanaha isguursanayaa ay muddo gaaban is yaqaannaan ama iyaga oo aan is aqoon la isu guuriyo. Haddaba wargeyska Geeska Afrika waxa uu kula wadaagayaa saddex arrimood oo ay khubarada cilmi nafsigu sheegeen in ay qayb libaax ka qaataan xoojinta is-fahamka lammaanaha:

– Waqti isu hurid: In lammaanuhu ay mushkilad kasta oo soo waajahda ay siiyaan waqti ku filan oo uu ku sharrixi karo mawqifkiisa dhabta ah iyo rayiga uu ka qabo, isla markaana aan lagu degdegin fasiraadda arrimaha oo inta badan carcarta hore u dhacda in dhinac kastaa sida uu doono u fasirto.

– In lammaanuhu si wada jir ah ugu dhowaadaan labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan, oo mid kastaa ku dadaalo in qoyska kan kale uu soo dhex geliyo geeddi socodka nolosha qoyska, taas oo la hubo in ay door muhiim ah ka qaadanayso isu soo dhoweynta lammaanaha iyo in ay wada-jirkooda u arkaan muqaddas aanay kala duwanaanshiyaha aragtiyuhu dhaawici karin, sidoo kale qoysasku ay ku dadaalaan in aanay lammaanuhu kala fogaan.

– Fikirka guurku uma fududa sida ay dhalinyarada rag iyo dumarba ula eeg tahay bilowga hore, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in ruux kasta oo guursanayaa uu marka hore naftiisa inta uu la showro u sheego culayska masuuliyadaha sugaya, xorriyadaha uu waayayo iyo faa’idada ka weyn ee uu dheefayo, in uu fahmo in xorriyaddii uu haystay ay bedelayso nolol u dabran masuuliyado iyo dan-wadaag, haddii ay sidaa yeelaanna waxa ay wax badan ka khafiifinaysaa culayska mushkiladaha ka dhex qarxi kara.