Farxadda Lacag Baqshiish Loo Siiyey Ayaa Nolosheeda Galaafan Gaadhay

0
1004

Washington (Geeska)- Gabadh mudalab ka ah hudheel cunto oo Maraykanka ku yaalla ayaa u qaadan waa u dhiman gaadhay kadib markii macmiil hudheelka cunto ka iibsaday uu baqshiish u siiyey lacag aanay weligeed ka filanayn macaamiishu in ay siiyaan.

Breena Siegel oo ka shaqaysa hudheel ku yaalla gobal New Jersey ee dalka Maraykanka ayaa baqshiishkan u qaadan waaga ku noqday ka heshay lammaane isqaba oo cunto fudud ka cunay hudheelka.

Breena waxa ay lammaanahan ay u shaqaysay siiyeen lacag dhan 1200 oo doolar. In kasta oo ay tahay lacag aad u badan oo aan laga filayn in baqshiish loo bixiyo, haddana waxaa arrintan yaabkeeda sii badiyey lacagtan oo aad u badan lacagta ay caadi ahaan lammaanuhu wax kaga iibsadeen hudheelka, maadaama oo baqshiishku inta badan ka yar yahay lacagta biilka ee qofka laga rabo.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa wargeyska New York Post uu ku sheegay in lammaanaha lacagtan badan baqshiishka u bixiyey ay hudheelkan ka cuneen cunto aad u fudud oo qiimaha laga qaaday ahaa 2 doolar oo keliya.

Breena oo da’da labaatanaadka ku jirta ayaa wargeyska uga warrantay dareenkeeda la xidhiidha baqshiishkan waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Markii aan furay bushqaddii lacagtu ku jirtay waxa aan ku sigtay in aan dhulka ku dhaco oo farxad awgeed la miyir doorsoomo” Breena oo farxadda ay qabto hadalkeeda laga dhadhansanayo ayaa intaas ku sii dartay, “Tani waxa ay inoo xaqiijinaysaa in ay dad naxariis badani weli dunida ku hadheen”

Breena waxa ay sheegtay in lammaanahan ay hudheelka yimaddeen, kadibna ay cunto fudud cuneen, markii ay cashadooda dhammaysteenna ay u dhiibeen gal warqadeed oo xidhan oo ay u sheegeen in aanay kala furin illaa ay hudheelka ka baxaan. Waxa ay sheegtay in aanay garanayn sababta ay lammaanahani iyada ugu doorteen in ay lacagtan badan siiyaan. iyada oo ku celcelisay in aanay weligeedba filayn in lacag intan le’eg baqshiish loo siin doono.