Faa’idooyinka Caafimaad Ee Uu Xabxabku U Leeyahay Qofka Joogteeya Isticmaalkiisa

0
1907

Hargeysa (Geeska)- Xabxabku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka xagaagii ee jidhka qaboojiya firfricoonidana geliya, waxa aanay cunistiisu si gaar ah u sii fiicantahay habeenkii oo xilliga xagaaga ah. Laakiin qabowgaas iyo firfircoonidaasi ma’aha faa’idada keliya eek u jirta xabxabka balse waxaa jira faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin oo u uqofku ka helayo faytamiinnada kala duwan, macdanaha, asiidhyada amino loo yaqaanno iyo maaddooyinka lidka mariidka ee uu xabxabku hodanka ku yahay.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa shabakadda wararka ee Alcarabiya ay ku eegaysaa qaar ka mid ah faa’idooyinkaas tirada badan ee laga helo joogtaynta cunista xabxabka, waxa aanay yihiin:

  1. Ka hortagga kansarka naaska iyo qanjidhka ragga

Maadadda Lycopene oo ah nafaqo isla markaana ah tan sababta midabka basaliga ah ee xabxabka waxa ay jidhka u leedahay faa’idooyin caafimaad oo ay ka mid tahay in ay yarayso khatarta ah in dumarka uu ku dhaco kansarka noociisa naaska iyo in ragga uu ku dhaco kansarka qanjidhka xiniinyaha ku dhaca ee Prostate ka loo yaqaanno.

  1. Waxa uu fiicneeyaa caafimaadka xididdada dhiigga

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Texas ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in xabxabka ay ku jiraan maaddooyin ka dhigaya sida dawada loo isticmaalo awoodsiinta jinsiga ee Fiyaagara loo yaqaanno. Arrintaas sababteeda markii ay sii baadheenna waxa ay ogaadeen in ay la xidhiidho xabxabka oo wanaajiya caafimaadka xididdada dhiiggu maro si uu si habsami ah jidhka oo dhan ugu gaadho dhaqso. In kasta oo ay sida oo kalana ku jiraan maaddooyin ka qayb qaata kor u qaadista doonista jinsiga ah.

  1. Xakamaynta cudurrada wadnaha ku dhaca

Maadadda Lycopene ee aynu soo xusnay in ay xabxabka ku jirtaa waxa kale oo ay leedahay faa’ido ah in ay xakamayso khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada wadnaha, in uu adkaadaan halbawlayaasha dhiiggu iyo in uu dhiiggu kaco.

  1. Miisaanka ayaa uu dhimaa

Maadadda Citrolin oo xabxabka ku jirtaa waxa ay jidhak kala dagaalantaa in dufanku uu ku ururo unugyada. Waxa ay maadaddani dufanka u rogtaa asiidho nooca Amino loo yaqaanno ah oo magacooda la yidhaahdo Arginine, sidaa awgeed waxaa ay khubarada caafiamadku aaminsan yihiin in xabxabka cunistiisu ay tahay hab caafimaad qabta oo si waxtar leh uga qayb qaadan kara dhimista miisaanka.

  1. La dagaallanka gabowga:

Xabxabka waxaa ku jira curiyeyaal ay ka mid yihiin Flavonoids, Carotene iyo Triterpenoid oo dhammaantood awood u leh burburinta sunta cuntada ka dhalata (Mariidka) iyo in jidhka ay ku samaysmaan waxa loo yaqaanno ‘Free Radicals’ oo qayb weyn ka qaata soo shaac bixita calaamadaha gabowga.

  1. Caafimaadka beerka

Xabxabka waxaa ku jira xaddi aad u badan oo ah maadadda Glutathione oo ah curiye nafaqo oo muhiim u ah caafimaadka beerka.

  1. Caafimaadka maqaarka

Khudradda waxtarka mucjisada ah u leh caafimaadka aadamaha waxaa ku jira xaddi aad u badan oo ah maadadda beta-Carotene (?-Carotene) oo lagama maarmaan u ah caafimaad maqaarka dadka.

  1. Xoojinta hab-dhiska difaaca

Faytamiin C oo ku badan xabxabku waxa uu sabab u yahay in xabxabku uu ka mid noqdo cuntooyinka sida yaabka leh u xoojiya awoodda hab-dhiska difaaca ee aadamaha.

  1. ka hortagga Ingagga jidhka

Boqolkiiba 92 xabxabku waa biyo, sidaa awgeed waxa uu jidhka si gaar ah u geliyaa firfircooni iyo nolol waxa aanu ka hortaga ingagga oo ah in biyuhu ay ku yaraadaan jidhka maadaama oo jidhku u baahan yahay biyo badan.

  1. Lidka Kaarka jidhka

Xabxabku waxa uu kaalin muhiim ah ka qaataa daweynta garaaca iyo kaarka jidhka, gaar ahaan xaglaha iyo dadka xubno xanuunka leh. Sababta ugu weynina waa faytamiinnada tirada badan iyo maaddooyinka mariidka lidka ku ah ee xabxabku hodanka ku yahay.