“Komishanku Dedaalkiisa Ha Laban-Laabo Oo Haku Dedaalo Inaanay Doorashadu Dib Inooga Dhicin”

0
1087

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay Doorashada Madaxtooyada ee muddada koobani ka hadhay, waxaanu ku taliyey in Doorashadu ku dhacdo wakhtigeedii, oo waliba u dhacdo si nabadgalyo ah oo dimuqraadiya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale hambalyo u diray dhammaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan munaasibada Ciida awgeed, waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya Doorashada “Doorashadii ayaa inagu dhaw, Ciidana waa Ciida kaliya ee ka horeeysa Doorashada, insha allaah waxaan ku rajo weynahay inay inoo dhacdo Doorasho nabada ah oo Dimuqraadiya,Komishankuna dadaalkiisa ha sii laban-laabo, oo ha ku dadaalo sidii aanay Doorashadaasi wakhtigeeda ugu dhici lahayd”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada mar uu ka hadlaayey Ciida ayaa yidhi   “Ciida Carafo waxaan inoogu ducaynayaa bash-bash iyo barwaaqo, waxaana salaamaya Xildhibaanada Golaha Wakiilada, guud ahaan Ciidamada kala duwan ee Somaliland, waxaan salaamaya guud ahaan shacabka reer Somaliland, waxaan salaamayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo guud ahaan Muslimiinta, waxaana ILLAAHAY inooga rajaynayaa in Ciidan ciideeda uu bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo”.