Faraha Iyo Cagta Inteeda Hore Oo La Jejebiyaa Kadib La Duubo Si Ay Cagtu U Yaraato, Ayaa Ah Quruxda Gabadha

0
805

Picture7Beijing (Geeska)- Waqti aad u dheer waxaa dalka China ka jiri jiray caado ah in inantu marka ay laba jir gaadho inta la jebiyo faraha iyo cagta inta hore oo aanu suulku ku jirin kadibna si aad u xoog badan la isugu wada duubi jiray, waxa aanay duubnaan jireen tan iyo marka ay inantu gaadho da’da 14 jirka oo cagta laga furi jiray xadhigii ku duubnaa, waxa aanay lugtu noqon jirtay mid aad u yar oo ka korin /ka weynaan intii ay ahayd markii uu ilmuhu laba jirka ahaa ama in yar dhaaftay oo weliba inta hore aad ugu dhuuban maadaama oo cagtu isku duubnayd. Han Qiaoni oo u dhalatay degaanka Yuxian ee woqooyiga China ayaa ka mid ahayd hablahaa laba jirka cagaha loogu duubay, waxa aanay sheegtay in hooyadeed ay xadhig aad u dheer ku xidhi jirtay faraha hore ee cagta, taas oo xanuun aad u badan soo marisay maadaama oo cagta inteeda hore oo dhan lafaha la jejebinayo iyada oo aan dhakhtar la geyna ay isku bogsanayaan, sidoo kale waxa ay dhib badani ka qabsan jirtay marka ay socod bartaan oo muddooyinka hore oo dhan ay cagtu xanuuni jirtay illaa ay si buuxda u bogsoto ulana qabsato xaaladda.

Warkan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku waxa uu intaas ku darayaa in Malaayiin dumarka dalkaas ah ay caadadani gaadhay, iyada oo dadkaasi ay cagta sidan u yar u yaqaanneen in ay quruxda gabadha qayb weyn ka tahay, isla markaana ay muujinayso in gabadha cagaheeda qaabkan yihiin ay ka soo jeedo qoys sharaf leh ama dhaqaale ahaan aad u ladan in kasta oo muddooyinkii dambe caadadu ku faaftay xataa dadka dhaqaalahoodu hooseeyo. Sidoo kale waxaa jirtay aaminsanaan miyiga dalka China ku baahday oo ay habluhu  aamineen in cagaha oo qaabkan loo yareeyaa ay u horseedayso in ay nin lacag leh guursadaan.

Caadadan waxaa dalka China laga mamnuucay sannadkii 1912kii, laakiin si caadiya ayaa ay u socotay illaa sannadkii 1936kii waxaana la aaminsan yahay in illaa hadda ay si qarsoodi ah qoysaska qaar ugu dhaqmaan. Tiro-koob la sameeyey ayaa lagu ogaaday in intii lagu jiray qarnigii 19naad ay boqolkiiba 50 ama ugu yaraan 40 dumarka dalka China ay caadadani cagahooda yaraysay.