“Xukuumadda Maanta Jirtaa Ma Leh Tayo Hogaamineed, Waxa Jira Raysal Wasaare Aan Muuqan Oo Shaqadii Raysal Wasaare-nimada Haya”

0
756

Picture6Hargeysa (Geeska)-Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka mid ah Madasha Wada tashiga Somaliland, ayaa dhaliil culus u soo jeediyey Xukuumadda taladda dalka haysa, isaga oo xusay in Madaxweynuhu uu ku ciyaaray Sharaftiisi iyo  Sharaftii Ururka SNM, nidaamkii iyo sharcigiina lagu tuntay, waxaanu sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada Xirsi ku tilmaamay inuu yahay Raysal Wasaaraha qarsoon, kana awood badan yahay dhammaan Wasiirada dalka. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sidoo kale dhaliilo u soo jeediyey Golayaasha Sharci dejinta, oo uu sheegay inay ka gaabiyeen Waajibkii loo doortay iyo xilkii ay Umadda u hayeen, isla markaana waxa ay doonaan ay u sameeyaan xukuumadda, madaama aanay Sharci ku fadhiyin. Wuxuu hadalkan ka sheegay shirjaraa’ido o uu haldoorka umadu khamiistii ku cambaareeyay xukunka lagu riday wargeyska Haatuf.

Maxamed Xaashi ayaa sidoo kale iftiimiyey in Xukuumaddani ay doonayso muddo kordhin, waxaanu ugu baaqay Bulshada inay muddo kordhintan ay doonayso ka hor tagto, waxaanu hadalkan ka sheegay mar ay si wada jir ah Shir jaraa’iid u qabteen Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Madasha wada tashiga, oo ay kaga hadlayeen xadhiga loo geystay Wargeyska Haatuuf iyo Masuuliyiintiisa, waxaanu ugu horeyn Maxamed Xaashi hadalkiisi ku bilaabay

“Xukuumadda Maanta jirta ma leh tayo hogaamineed, waa dad is garab yaacaya, oo baratamaya oo lacag urursi ku jira ayaad is odhanaysa inta badan, sidii dariiqadii hore ahaan jirtayna wax badan ayaa laga badaloo, imika waxaa jira Raysal Wasaare aan muuqan oo aan loo magacaabin laakiin shaqadii Raysal Wasaare-nimada haya waftigii ku maqnaa bariga Wasiirka Madaxtooyada ayaa hogaaminaaya,wasiirkii Arrimaha Guduhuna  waa uu la socdaa labadana marka laysku eegana ka daakhiliga ayaa ka mudan,kii Maraykan loo tagayeyna inta Wasiirkii Arrimaha Dibada la dhaafay ayaa isna waxaa hogaaminaayey wasiirkii Madaxtooyada,markaas nidaamkii jiri jiray waxa aad mooda in la dhaafay, oo uu yahay Wasiirka Madaxtooyadu Raysal Wasaare aan la magaacabin laakiin jira, xafiiskiisa haddii aad aragto sida loogu xidhiidhsan yahay iyo sida loo joogo, waad ka yaabaysa, maalin ayaanu waraaq geynoo meel aad u martaba heli maysid, waxaanad is odhanaysa wax alaale wixii Madaxtooyada wax u lahaa halkaas ayey iskugu tageen".

Maxamed Xaashi Cilmi isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Madaxweynuhu waxa uu ahaa Guddoomiyihii SNM, Sharaftii SNM wuu ku ciyaaray, Sharaftiisina wuu ku ciyaaray, Taariikhdiina wuu ku ciyaaray,intaana Maanta midna waxba kama jiro, cadaalad daro ayaa loo dagaalamay, loo dhintay, xoolo badan lagu lumiyey, Isaga oo muddo dheer Madax ka ahaa ayaa Maanta tii galay, khaasare weyn ayaa ku dhacay halgankii, uu isagu geystay”.

Maxamed Xaashi Cilmi mar uu ka hadlaayey Baarlamaanka waxa uu yidhi “Waxa jirey Saddex dhadhaar oo ah Xukuumadda, Garsoorka iyo Sharci dejinta, xeer dejintii waxaad mooda inay talax gabtay, inagu Shir jaraa’iid ayeynu halkan ku qabanaynaa, balse Xeer dejintu waxa ay xaq u leedahay inay ka daba tagto,  oo aanay ku hadhin Shir jaraa’iid ayaanu qabanoo, xeerkii Saxaafadda maxa loogu qaadi waayey, kolkolna waxa ay ku odhanayaan waxa aanu u yeedhnay Wasiirkii Macdanta iyo Tamartoo uu iman waayey, awoodoodii haddii ay intaas tahay inay is casilaan ayey ahayd”.

Maxamed Xaashi mar uu ka hadlaayey kordhis ay damacsan tahay Xukuumaddu ayaa yidhi “Waxa soo socota kordhis, waayo dadka marka la kala dhalinto cod laga dooni maayo, waxa aynu markaas filnaa waa kordhis, kordhiskaas waxa laga yeelayo ayey tahay in laga tashado, kordhiskaasina waxa uu ina baday dhawrkii jeer ayeynu ognahay, oo Guurtidu Sharci kuma fadhido, Wakiiladu Sharci kuma fadhiyaan, waxa Sharci ku hadhay waa Madaxtooyada oo muddo aad u yari u hadhay, dhibaatada kordhiska ka soo baxayaana waxa ka mid ah in Ninkii Baarlamaanka ahaa aanu u baahnayn Dadkii soo doortay, waayo baahidu xadhigii ayey gooysay, markaas wuxuu uga lexe jecloodo ama uu ka sugo oo uu ugu habrado dadkii soo doortay ma jirto, waayo waxa uu og yahay inuu Barina kororsanayo ama loo kordhinayo, markaas baahidii halkaas wey ka baxday, oo xadhigii isaga iyo dadkii soo doortay u dhexeeyey uu go’ay, waxayna soo baxaynaa Umad dhan oo Dawlad sheeganaysa oo walibana Ictiraaf raadinaysa, oo ka soo halgantay dhibaataas oo haddana Sharciyo oo dhan ka xuub siibatay, markaas wey la imanayaan kordhinta ee waxa laga yeelayo kordhina waa in Maanta laga sii tashashado, oo meel wax laga dhigto, oo la iska ogaado oo lagu dhaqaaqo, oo ay ogaadaan in sidii hore looga aamuseeyn, oo faraha looga laabanayn”.

Maxamed Xaashi Cilmi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Qolada Baarlamankana Siddeed ilaa Sagaal Reerka ah, oo u socda arinta Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Joornaalka  oo leh Madaxweynihii ayaanu u tagaynaa, oo isa daba galay, ayaa halkii ay ka hadli lahaayeen Xeerkan la jabiyey ayaa waxa ay ka hadlayaan inay Reer ka ugu tagaan oo Xaga Wadaada ka bilaabaan, waa nasiib darooyinka dalka ka jira, wixii ay xaqa u lahaayeen ayey garan la yihiin, xumaanta iyo keligii taliyaha dadka ayaa abuura, maanta wuu inoo abuurmay, oo kuwii Baarlamaanka ee Xeerkii ay dejiyeen waataas la baal maray, ee ka hadli lahaa ee Reer u bari tagay, waana nasiib darooyinka ina haysta, waxaana dhihi lahaa Labada Xisbi iyo inteena halkan aynu ku fadhino aynu u yeedhano Baarlamaanka, oo waxa ay meesha ku yimaadeen iyo waajibkooda aynu xasuusino, waayo haddii ay inaga inala taag yihiin waxba meesha ma jiraan, markaas xeer dejintu waa inay ilaaso Xeerka sharciga ah, kii aan Sharciga ahayna waa inay joojiso, hebel ayaa iman waayo oo I diiday caqli maaha musuqmaasuqu sidii ayuu u socdaaye,wixii ay weydiin lahaayeen looma imanayo, Hay’addihii daba galka oo dhan ayaa baabay, Odhat ma jiro, Xeer ilaalin ma jirto, mid shaqeeynaya ma jirto, qalfoofii ayaa meesha taagan, ee wixii Dawlad lagu ahaa meesha wey ka baxday, waxaana odhana lahaa Dadweynuhu ha dashadaan”.