Fanaanada Nimco Sharaf Oo Shalay Si Diiran Dalka Loogu Soo Dhaweeyay

0
491

Picture3Berbera(Geeska)-Waxa shalay si diiran madaarka Berbera loogu soo dhaweeyay fanaanada caanka ah ee reer Somaliland Nimco Yaasiin Caraale (Nimco-Sharaf), oo ka soo kicitintay dalka Ingiriiska.

Fanaanada oo qaranka Somaliland u qaaday heeso dhawr ah oo ka hadlaya horumarkiisa iyo weliba dhibtii la soo maray, ayaa waxa soo dhaweeyay haween tiro badan, fanaaniin iyo dhalilnyaro kale, waxaanay Nimco Yaasiin oo warbaahinta la hadashay sheegtay inay ku faraxsanahay safarkeeda dalka, iyadoo sheegtay inuu dalku horumar balaadhan gaadhay, iyadoo murti ku cabiraysa horumarka Somaliland, waxay tidhi “markaan soo caga dhigtaan,dhalaalka madaarka yaaboo, dhakhsaba sida loo halgamay ilen dhaygag ayaa I dilee,rugaha laga duulayiyo dhabada boorame tagtiyo berbera soo lama dheehda iyo dhismaha aan kala joogsanayn, waxay indhuhu dhugtaan dhabaa loo baahan yahee  dhaqaalihii meesha uu galay  dhulkeenaa laga arkaa dheeraad ninkii doonayoow khalqiga lama dhaafi karo.” waxaanay ugu dambayn u mahadcelisay dadkii tirada badnaa ee kaga hortagay madaarka Berbera.