Ciyaarihii Olambikada Oo La Soo Gunaanaday Iyo Sida Biladaha Loo Kala Helay

0
538

 

Picture1Cayaaraha Olympic-ada ee magaalada London ayaa si rasmi habeen hore  loogu soo xidhay munaasabad calanka Olympic-ada loogu wareejiyay magaalada rio de Janeiro ee caasimadda dalka Brazil.

 

Waxaa dhacdooyinka lagu soo gabagabeeyay munaasabad qurux badan oo heeso kuwa pop-ka u badan ay qaadayeen fanaaniin caan ka ah dalka UK, kuwaasi oo lagu soo bandhigay garoonka cayaaraha Olympic-ada ee bariga magaalada London.

Maalintii ugu dambaysay cayaaraha qabsoomay waxaa ka mid ahaa guusha uu gaadhay orodyahanka dalka Uganda Stephen Kiprotich oo soo hoyay bilad dahab ah tii ugu horaysay ee Uganda hesho muddo afartan sano ah. Waxaa kaalimaha laba iyo sadex galay Abel Kirui iyo Wilson Kipsang Kiprotich oo dalka Kenya ka socday.

Ninkii ugu dambeeyay ee bilad dahabka dalka Uganda u keena wuxuu ahaa John Akii-Bua oo ku guulaystay orodka 400m ee laga boodo jidgooyada sanadkii 1972.

Feedhka miisaanka culus waxaa helay bilad dahab ah feedhyahanka British-ka ah Anthony Joshua.

Guud ahaan liiska biladaha waxaa ugu horeeya Maraykanka oo helay 104 biladood, 46 dahab, 29 qalin iyo 29 maar. Shiinaha oo ku soo xigay wuxuu keenay 87 biladood, 38 waa dahab, 27 qalin iyo 22 maar ah.

Dalka Britain oo cayaaraha lagu martigalinayay wuxuu galay kaalinta sadexaad dhinaca biladaha ugu qiimaha badan, wuxuu helay 65 biladood oo 29 dahab tahay, 17 qalin iyo 19 maar ah. Waa biladihii ugu badnaa ee Britain ay cayaaraha Olympic-da ka soo hoyso.