Fahamka Ah In Midabka Casaanku Uu Astaan U Yahay Jacayl Iyo Cadho Waa Dareen Uu Aadamaha Oo Ka Siman Yahay

0
415

Guud ahaan midabbada aasaasiga ahi waxa ay aadamaha ugu astaysan yihiin dareenno kala duwan, waxa aanay marar badan la xidhiidha dhinaca dhaqanka bulshooyinka oo ay qaarba si u qiimeeyaan dareenka uu midabku ku xidhiidhsanaanayo. Haddaba midabka casaanka ayaa la ogaaday in dhammaan bulshooyinka caalamku ka siman yihiin aaminsanaanta ah in uu xidhiidh la leeyahay jacaylka iyo haddana cadhada.

Daraaad cusub oo dhowaan natiijadeeda lagu qoray Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda ‘University of Mainz’ oo ku taalla dalka Jarmalku tijaabooyin ay 40 dal ka sameeyeen ku ogaadeen in  inkasta oo meelo kooban lagu kala duwan yahay, haddana in midabka casaanku uu yahay midabka ugu badan ee bulshooyinka adduunka oo dhami ka midaysan yihiin dareennada uu u taagnaan karo.

Cilmibaadhayaashan Jarmalka ahi waxa ay baadhayeen bal in ay jiraan midabbo dareenno gaar ah oo aasaasiya ku xidhan bulshooyinka kala duwanina isku waafaqsan yihiin iyo in ay jirto kala duwanaan la xidhiidha aaminsanaantaas dareennada iyo midabbada ku xidhiidhsan.

Midabbo dareenno is burinaya laga qabo

Dr. Daniel Oberfield Twistle oo ka warramay natiijada daraasadan ayaa sheegay in bulshooyinka caalamku si weyn isugu waafaqsan yihiin in midabka casaanka ahi uu yahay midabka keliya ee sida xooggan xidhiidhka labada dareen oo iska soo horjeeda, kuwaas oo ah dareenka togan ee Jacaylka ah iyo dareenka taban ee Cadhada ah.

Waxa ay ciilmibaadhayaashu sheegeen in midabka ugu saamaynta yar dareenka dadku uu yahay midabka loo yaqaanno bunniga.

Marka laga tago midabka casaanka ah ee ay bulshooyinka kala dhaqanka duwan badankoodu isku raaceen in uu u taagan yahay labada dareen ee is burinaya oo qoloba mid raacday, waxa kale oo cilmibaadhistan lagu ogaaday in midabka caddaanka ah ay bulshooyinku ku kala aragti duwean yihiin. Tusaale ahaan dalka Shiinaha marka aad joogto midabka caddaanku waxa uu aad ugu xidhiidhsan yahay murugada, laakiin marka aad tagto dalka Giriigga midabka Basaliga ah ayaa lagu yaqaannaa calaamadda murugada. Dr. Daniel Oberfield waxa uu sheegay in ay arrintani tahay sababta dadka Shiinuhu ay dharka cad u xidhaan xilliga jinaasada iyo aaska la joogo, halka midabka basaliga oo rasiin ahi uu yahay midabka lagu goglo kaniisadaha Orthodox ka Giriigga xilliga ay tacsida iyo baroordiiqdu jiraan.

Cilmibaadhayaal Jarmal ah ayaa iyaguna ogaaday in midabka hurdiga ahi uu  bulshooyinka qaar ugu xidhiidhsan yahay farxadda, taas oo xidhiidh la leh cimilada. Gaar ahaan dalalka aan qorraxda aad u arkin oo ay dadku aad u farxaan muddooyinka gaaban ee ay qorraxdu soo baxdo, sidaas awgeed midabkan hurdiga ah oo soo bixista iyo dhicista qorraxda la midab ah ayaa ay ku xidhiidhiyaan farxad jacayl gaar ahna u hayaa. Taas lidkeedana waxaa ah dalalka ay qorraxdu ku badan tahay ee inta badan la dhibsado oo midabkani uu ka mid yahay midabbada laga necebyahay ama lagu xidhiidhiyo murugada.