Darraas: Quraan-caashaq

0
221

Dr. Maxamed Cabdillaahi Darraas oo noolaa intii u dhaxaysay 1894-1958-kii, waxa dhalay Sheekh Cabdillaahi Darraas oo sharraxay kitaabka “Al-muwafaqaat Shaaddibi” kana  mid ah aqoonyahankii ugu tunka weynaa jaamacadda As’har. Darraas wuxu ahaa aqoonruug doorweyn ka qaatay cusboonaysiinta iyo curinta. Waxa lagu qaddariyaa doorkiisii falkinta fanniyada cusub.

Darraas isaga oo yar ayuu Quraanka xifdiyey. Magaalada Qaahira ayuu waxbarashadiisii ku qaatay. Sannadkii 1916-kii ayuu jaamacadda As’har dhammeeyey. Jaamacadda Sorbonne ee Faransiiska ayuu PhDdiisa ku qaatay “Quraanka iyo Akhlaaqda” Waxa layaab noqotay isaga oo jooga dhul gaaleed in uu jaamacadahooda ku dhex diyaariyo maaddo sidaa u culus oo mararka qaar duraysa dhaqankooda.

Dr. Darraas waxa  u suurtagashay helidda waxbarasho qotodheer oo diin iyo maaddiba leh. Abu Xaamid Qasaali oo lagu majeerto aqoon durugsan iyo qaabfikir tolmoon ayey kutubtiisu saameeyeen. Xakiim Tirmidi iyo Daalib Maki ayaa iyaguna raadayn ku lahaa. Falsafadda ayuu daraasaayey gaar ahaan aragtiyihii René Descartes, Immanuel Kant iyo Henri Bergson.

Darraas iyo Dib u Soo Noqoshadiisii Qaahira

Dr. Darraas ballaysinkaa reer galbeed in uu jaamacadahooda ku soo dhex diyaariyo Quraanka iyo doorkiisa akhlaaqda waxa aad u soo dhaweeyey maamulkii jaamacadda As’har oo uu macallin ka ahaa. Waxa uu xubin ka noqday hay’addii Culimada Masar sannadkii 1949-kii.

Waxa uu bilaabay in uu khudbado ka jeediyo jaamacadaha Masar isaga oo xoogga saaray ka hadalka taariikhaha diimaha, fasirka Quraanka oo qaabkii hore aan ahayn, falsafadda iyo akhlaaqda.

Darraas: Quraan-Caashaq

Naanaysta Darraas ayaa ah Quraan jeclihii. Mar kasta oo la arko waxa uu ahaa nin jecel haysashada kitaabka Alle, jaanis kasta oo uu helana aan ka daalin akhriskiisa. Waxa intaa ka sii mugweynaa ku dul fikirka Quraanka ee uu fahanka ka soo dhexsaari jiray. Salaad badnidiisa iyo sujuud dheeridiisa ayaa ahayd dhaqan marna aan lagula tartami jirin. Quraan caashaqnimadiisa waxa laga dheehan jiray in khudbadihiisu u badnaan jireen ku talaxtagga Quraanka iyo fasirkiisa. Darraas Quraan jacaylku wuxu ka gaadhay maalin kasta halmar in uu dhammeeyo.

Abu Suhra wuxu ka warramay safar dacwadeed oo Baakistaan ka dhacay oo ay ka wada qaybgaleen Darraas, waxa uu yidhi, “Marka laga baxo salaadda Cishaa’i  waxa aanu tegi jirnay furshaantayda si aanu u seexanno, laakiin isagu wuxu bilaabi jiray in uu salaad tukado, inta uu fadhiyana Quraan akhristo. Mar kasta oo aad aragto wuxuu ahaa mid Quraan akhrinaya ama tukanaya.”

Darraas: aragtidiisa Tawraad iyo Injiil

Sheekh Darraas waxa uu danayn gaar ah siiyey xidhiidhka ka dhexeeyaa diinta Islaamka iyo diimaha samaawigaa. Aragtiyo door ah ayuu ka leeyahay oo uu toos ugala soo dhex baxay Quraanka. Ma danayn sii dhexmarka dhiganayaal dhextaal ah oo taariikheed. Ujeedkiisuna waa diirrad saarridda fahanka laga qaadanayo Islaamka iyo diimaha kale.

Dr. Darraas sida uu hoosta ka xariiqay Islaamku-waa tilmaan koobsanaysa farriintii ay la yimaaddeen ergooyinkii Alle. Maaha summad gaar ku ah rumaynta farriintii Nabi Maxamd NNKH, se waa magac ka dhexeeya diimaha samaawigaa. Waxa uu ku dooday in aanay qummanayn in wax la iska waydiiyo xidhiidhka ka dhexeeya Islaamka iyo diimaha samaawiga ah. Waxa uu qabaa in aanay sax ahayn iswaydiinta xidhiidhka ka dhexeeya shayga iyo nafsad ahaantiisa; waa midow aan la kala qaybin karin sida dooddiisa ku cad.

Darraas waxa uu sheegaa in Quraanku rumaysan yahay Tawraad iyo Injiil wixii lagu sheegay. Rumayntaasina aanay ka dhignayn in la leeyahay waxba lagama beddelin ama laguma darin axkaamtii kutubtaas ku qornayd. Injiil waxa loo soo dejiyey in uu xalaaleeyo waxyaallo lagu xarrimay Tawraad, sida Quraanku u xalaaleeyey waxyaallo lagu xarrimay Injiil. Dr. Darraas sida u qabo arrimahani maaha dafirid uu kitaabka dambe burinayo kuwii ka horreeyey se waa in lagu qiimeeyo xeerarkaas duruufta xilli ee ay ka dhex shaqaynayaan.

Marka aynu ka nimaadno marxaladda ka dambaysay beddelidda xeerarka ku qornaa kutubtaa hore waxa uu leeyahay Darraas Quraanka ayaa ah gaadh-hayaha kutubtaa hore, waxyaallaha ilaalinta muujinayana waxa ka mid ah in aanu beenin jiritaankooda, se la ogsoonyahay in farafarayn badan lagu sameeyey.

Darraas iyo Mad’habka dhexdhexaadka

Sheekh Darraas waa mid ka mid ah aqoonyahannada faca ku leh dhexdhexaadnimada, u doodaa, aaminsan dhexdhexaadnimada fikirka iyo fahanka ku sallaysan. Buuggiisa ‘Sharcul Akhlaaqil Fidra’ waxa uu kaga warramaa muhiimadda ay leedahay aragtida dhexdhexaadka ah. Waxa uu ku booriyaa in la noqdo ummad dhexdhexaad ah; aragti ahaan, mad’hab ahaan iyo fahan ahaanba.

Dhexdhexaadnimada Darraas waxa muujinaya iftiiminta uu bidhaamiyey fahan kasta oo laga qaadanayo diintu in aanu ahayn mid sugan, balse fahan kastaa uu ka qaybqaadanayo koboca fahan ee masalada. Darraas waxa uu sheegay arrinta aanu nasku caddayn in aan lagu khasbanayn qaadashada fahanka wadaad ka bixiyo.

Darraas iyo Cusboonaysiinta

Dr. Darraas waxa lagu maamuusaa Tafsiirka casrigaa in uu ku soo kordhiyey laba fanni oo aan hortii wax laga qorin; midda kowaad waa fanniga Quraanka iyo Akhlaaqda oo uu isagu qoray kitaabkii ugu horreeyey ee mawduucaa ka hadla ‘Dastuur Akhlaaq fil Quraan’. Midka labaadna waa in uu dhiteeyey fanniga facaweyn ee Masdarul Quraan oo kitaabkiisa ‘Naba’il Cadiim’ uu yahay kii ugu horreeyey ee fannigaa wax ka qora.

Labadaa fanni isagaa loo qirsanyey in uu ahaa curiyahoodii. Waxa uu ku iftiimiyey doorar aan hortii la taaban, kolkii dambena waddo uu furay noqotay, ilaa maaddooyin jaamacadaha lagu dhigto uu noqday.

Sheekh Digtoor Darraas Ilaahay ha janneeyee waxa uu geeriyooday sannadkii 1958kii. Waxa lagu weynayn doonaa doorarkiisii

dhexdhexaadnimada, gumaysi ladagaalanka iyo hal-abuurnimo.

Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub