Weligaa Ma Is Tidhi Waxa Aad U Soo Joogi Qudhaanjata Oo Loo Dhaqdo Sida Xayawaanka Rabbaayadda Noqda

0
499

Dalka Singaboor waxaa laga furay meherad ganacsi oo lagu iibiyo qudhaanjada. Meheraddan oo lagu magacaabo ‘Just Ants’ oo macnaheedu yahay qudhaanjo keliya, waxa kale oo qofku uu ka helayaa guud ahaanba baahiyaha guud ee uu qofka qudhaanjada rabaadaynayaa u baahan yahay.

Jun Yi oo ah qofka fikirkan ka ganacsiga qudhaanjada keenay ayaa warbaahinta u sheegay in uu iska casilay shaqo uu ka haystay shirkad gaar loo leeyahay si uu uga midho dhaliyey mashruucan ganacsi ee ka ganacsiga qudhaanjada. Waxa aanu sheegay qudhaanjada oo uu illaa hadda ka hayo 30 nooc in ay tahay xayawaan isku darsaday xiise badan iyo haddana kakanaan dhinaca fahamka hab dhaqankiisa ah, laakiin loo rabayn karo si la mid ah sida loo rabbeeyo xayawaannada rabbaysma ee eyda iyo bisaduhu ka mid yihiin.

Inkasta oo meheradan ka ganacsiga qudhaanjadu ay shaqada bilowday bilowgii shannadkan aynu ku jirno ee 2020 ka, haddana waxaa ka muuqata in intii ka dambaysay badhtamihii sannadkan uu si xawli ah kor ugu kacay iibkeedu.

Bilihii yaraa ee aynu soo dhaafnay waxa ay meheraddan ku taalla dalka Singaboor magac weyn ku dhex yeelatay bulshada dalkaas oo da’ kasta ah, waxaana ku soo xidhmay dad aad u badan oo doonaya in xog dheeraad ah laga siiyo sida loo dhiqi karo xasharaadkan, iyo waayoaragnimada lagaga kordhinayo dhinaca daryeelkiisa.

Meheraddan ayaa bogag u gaar ah ka samaysatay shabakadda xidhiidhka bulshada si ay u suuqgeyso iibkeeda, sida oo kalana la xidhiidho macaamiisheeda u baahan in laga caawiyo barbaarinta qudhaanjada.

Warbixintan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera laguma sheegin sababta dhaqashada qudhaanjada keenaysa ama danaha uu aadamuhu ka dheefayo iyo qaabka ay suurtagal u tahay in guryaha lagu hayo.