Culimo Ka Digtay In Khilaaf Diineed Laga Abuuro Siyaaro Ay Ugu Tagayaan Qabriga Subeer Awal

0
1119

Hargeysa(Geeska):-Qaar kamida Oday dhaqameedka beelaha Subayr Awal iyo culimada ayaa sheegay in ay Siyaaro u dhigayaan Aabahod Subayr Awal oo ku Aasan Jiidali ee gobalka Sanaag, waxaana ay carabka ku dhufteen in Siyaaradaasi ay dhigayaan aanay ku jirin wax siyaasad ah,balse ay uga gol leeyihiin in ay ugu duceeyaan Subeer Awal oo halkaasi ku Aasan.

Oday dhaqameedkan iyo culimada oo sheegay in ay yihiin Qaadiriyo ayaa sida oo kale waxaa ay sheegeen in ay ka culimo ahaan ay iyagu inta badan ay sameeyaan Siyaarooyin ay uga danleeyihiin in ay ugu duceeyaan dadkii geeriyooday sida oo kalena ay u qaybiyaan dadka masaakiinta ah ee baahan, waxaanay ka digeen in la geliyo dalka khilaaf diineed.

"Siyaarada laga dhigaayo Jiidali ee aan doonayno in aanu ka dhigno Jiidali ee sheekh Subeyr Awal oo wax Siyaasad la yidhaahdaa aanay ku jirin  ee la doonayo in dadka iyo dalka loogu duceeyo,Anagu lafana ma gurano,qaadirya ayaa la yidhaahdaa Siyaarada ayaanu dhignaa,marka Siyaarada aanu dhignana Masaakiinta ayaanu siinaa  waxa Alla waxii baahan,sidaas ayaanu deetana waalidiintayada aanu ugu ducaynaa,Subeerna waa waalidkayo,Somaliland oo dhan ayaa uu waalid u yahay ,hadaad moodaysaan in uu reer uun Waalid u yahay ee Somaliland oo dhan ayaa uu Waalid u yahay oo uu Walad u yahay”

Sheekhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi ku daray in aanay ka xad gudbayn shuruucda dalka u taala,waxana ay tilmaameen in aan la kicin khilaaf diimeed,maadama ay Somaliland dunida kale ee Islaamka ah kaga duwa n tahay in aan khilaaf diimeed ka dhicin waxana uu yidhi:

“Nin qasdi kale lihina waxaanu leenahay dalka waa inoo nabad,wali khilaaf diimeed inama soo galin ,waxaa aynu wali aduunyada kale aynu kaga duwanahay Khilaaf diini ah ayeynaan iskaga hor iman,waxaan leeyahay haddaba nin meel khilaf diineed meel uu u soo marro la'aayow,wax sharciga dhaaf siisan ee dalka u yaala ma dhaafayno,kamana xad gudbayno,laakiin haday timaado Siyaaro dhigi maysaan,dee markii hore ayaa aad meel u soo marto aad garan la'aydeen oo anaguna dee waanu udhigaynaa oo waa awogayo,waanu Siyaaranaynaa,Somaliland oo dhana Awoow ayaa uu u yahay ayaan leeyahay".