Fadeexad Soo Waajahday Maraykanka, Kadib Markii La Ogaaday In Masuuliyiin Sare Oo Maraykan Ahi Ay La Kulmeen Hoggaamiyaha Ururka Daacish

0
550

Picture11Washington (Geeska)- Waxaa maalmihii u dambeeyey Maraykanka iyo guud ahaan dalalka reer galbeedka iyo weliba dalalka kale ee ay xulafada yihiin ee bariga dhexe iyo Iiraan ka soo yeedhayey baaqyo dareen argagax leh ka muujinaya kooxda Islaamiyiinta xag-jirka ah lagu tilmaamay ee Daacish oo sida ka muuqata magaceeda oo ah Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam ka dagaallanta isla markaana gacanta ku dhigtay dhul badan oo dalalka Suuriya iyo Ciraaq ka mid ah. Daacishi oo uu hoggaamiyo Abu Bakar Al-Baqdaadi oo Ciraaqi ah, ayaa intii ka dambaysay bishii labaad ee sannadkan la soo baxay cudud milateri oo aan laga filayn xoogna kula wareegay dhul badan oo ka mid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Tan iyo bilowgii Daacish waxaa soo baxayey warar dalka Maraykanka ku tuhmaya in uu isagu abuuray ururkan, iyada oo shakigaasina sii xoogaystay markii dhowaan xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton waraysi ay bixisay ay ku sheegtay in Maraykanku uu Daacish wax ka qaban karayey intii ay curdinka ahayd balse uu iskaga aamusay. In kasta oo Obama iyo xulafadiisu ay u mindyo tumanayaan sidii ay ururkan ula dagaalami lahaayeen, haddana taasi ma’ay joojin tuhunkii ahaa in Maraykanku ururkan bilowgiisii ku lug lahaa, gaar ahaan intii uu ururku Suuriya ku koobnaa.

Haddaba shabakadda caanka ah ee Deep Resource oo laga leeyahay dalka Maraykanka oo uu Geeska Afrika soo xigtay ayaa dorraad baahisay sawirro aan hore loo arag oo muujinaya kulan dhex maray John McCain oo ah guddoomiyaha siyaasadda iyo difaaca ee golaha Kongareeska Maraykanka isla markaana ahaa murashaxii hore ula tartamay madaxweyne Barak Obama iyo hoggaamiyaha dowladda Daacish Abu Bakar Al-Baqdaadi mar hore oo uu ku sugnaa gudaha dalka Suuriya. Qoraal uu degelkan Deep Resources raaciyey sawirradan kala duwan ee muujinaya kulanka labadan nin ayaa uu ku bilaabay, su’aasha ah; Mee dagaalka la sheegayaa?!! Isaga oo intaas ku sii daray, “Waa kan McCain oo hal sano ka hor dhegeysanaya Khaliifka soo socday. Arrintani waxa ay noqonaysaa caddayn kale oo isku xidhi karta dhismihii Daacish iyo dalka Maraykanka.