Ku Cibro Qaado: Boqorkii Farxad Raadiska Ahaa Iyo La-Taliyihiisii Xikmadda Badnaa (Q.1aad)

0
814

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo aynu laba qaybood u kala jebinnay waxa uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa qiso, ku fadhisa macne iyo xikmad aad u ballaadhan oo noqon karta dersi laga barto adduunyada iyo sida ay uga duwan tahay waxda aynu ka doonayno. Wargeysku akhristayaashiisa ayaa uu u dhaafayaa in ruux kastaa isaga oo maankiisa la kaashanaya uu dhadhamiyo macnaha iyo xikmadda ku duugan qisadan oo sidan ku bilaabatay;

“Waxa beri hore jiray boqor maamula boqortooyo wada adeecsan oo aad u barwaaqaysan, laakiin isagu muu marnaba ku qanacsanayn waxa uu hayo, ee awood iyo adduunba leh, waxa aanu qawadsanaa heerka ay naftiisu taagan tahay, taas oo keentay in uu subax kasta la soo tooso warwar iyo murugo hor leh oo sii cuslaysa kuwii aanu weli xalka u helin ee subaxyadii hore uu la soo kacay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu boqorkani subax hore sidii caadada u ahayd la soo toosay madax xanuun iyo warwar, markii uu kacayba waxa uu maqlay cod aad u deggen, dabacsan oo si farxadi ka muuqata ugu luuqaynaya hees. boqorkii inta uu kacay ayuu raadiyey halka uu ka soo baxayo codkani, waxa aanu arkay in uu yahay nin beerta u qoda, haddii uu ninka wejigiisii u fiirsadayna waxa uu ka dheehday farxad, dhalaal iyo in uu ku qanacsan yahay xaalkiisa nololeed iyo shaqadiisa.

Ninkii boqorka ahaa isaga oo la yaabban ninkan waxa uu hayo ee ka farxiyey isaga boqor ahna uu u farxi la' yahay ayaa uu u yeedhay ninkii beerta u qodayey, waxa aanu weydiiyey isaga oo xaalkiisa dhaqaale hooseeyo shaqo dhib badanna haya waxa uu ku faraxsan yahay?!

Ninkii beer-qodaha ahaa waxa uu boqorkii u sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo galo dakhli ku filan noloshiisa, guri hanti ahna uu leeyahay, waxa uu u sheegay in waqtigiisa shaqo kadib uu la nasto maaweeliyana xaaskiisa iyo ubadkiisa, sidaa awgeed farxad ka maqani aanay jirin, mar haddii noloshiisii uu dabbaray, qoyskiisana is faham iyo kalgacal kula dhaqan yahay.

Boqorkii waxa uu aad ula yaabay ninkan beer-qodaha ah iyo heerka ay gaadhsiisan tahay qanacsanaantiisu. maalintii dambe waxa uu u yeedhay la taliyihiisii koowaad, oo uu uga sheekeeyey xaaladdiisa iyo xaaladda ninkan beer-qodaha ah, iyo sida uu ula yaaban yahay farxaddan isaga oo boqor ah, oo adduunka wax ka maqani aanu jirin uu waayey ee ninkan faqiirka ahi ku naaloonayo. La taliyihii ayaa bilaabay taladii uu siin lahaa boqorka, laakiin waxa uu u sheegay in talada uu markan siinayaa aanay ahayn sida kuwii hore hadallo keliya, balse ay u baahan tahay ficil. Boqorkii ayaa ogolaaday, kadib ninkii la-taliyaha ahaa oo ahaa nin aad u xikmad badan ayaa dalbaday in la soo qaado kiish ay ku jiraan 99 wasladood oo dahab ahi. La Soco…